Wararkii u dambeeyey ee xaaladda kacsan ee dalka Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiritaanka loo gaystay qaar ka mid ah xubnaha boqortooyada, wasiirrada iyo ganacsatada waa hawlgal billaw ah oo meesha lagaga saarayo musuqmaasuqa, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Sacuud Al Mojeb ayuu ku sheegay in xiritaanku “uu billaw u yahay hawlgal muhiim ah oo xididdada loogu siibayo meel kaste oo musuqmaasuq ka jiro.

Wararka la xiriira hawlgalka ka dhanka ah ganacsatada iyo hogaamiyeyaasha siyaasadda ayaa soo baxay Axaddii.

Waxayna arrintaasi awoodda u sii kordhinaysaa Maxamed Bin Salman oo ah dhaxal sugaha Sacuudiga.

Guddi musuqmaasuqa la dagaalamaya oo uu hogaaminayo dhaxal sugahan 32 jirka ah ayaa amray in xabsiyada loo taxaabo 11 ruux oo qoyska boqoortooyada ka tirsan, afar wasiir, iyo tiro kale oo dad horay wasiirro u soo noqday ah.

Al Waleed bin Talal oo ah ganacsade caalamka laga yaqaanno oo hodan ah ayaa la sheegay in uu ka mid yahay dadka la hayo.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa taageeray tallaabada ay qaadday xukuumadda Sacuudiga.

“Kalsooni wayn ayaan ku qabaa Boqor Salmaan iyo Amiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga, hawsha ay hayaanna si wanaagsan ayay u yaqaannaan” ayuu Twitter-ka ku soo qoray.

Sheekh Sacuud Al Mojeb oo waxa qabsoomay ilaa iyo hadda war ka soo saaray ayaa sheegay in “wajigii koobaad” ee baaritaanku uu soo idlaaday.

“Waxaan arruurinayay caddaymo muhiim ah, su’aalo faahfaahsan ayaana la waydiiyay”, ayuu hadalka ku sii daray

Xogtan u dambaysay ee musuqmaasuqa ayaa imaanaysa iyadoo ay sii socdaan baaritaannada ay dawladdu ku haysto waxa dhaliyay burburkii ku yimid diiyaaraddii maraysay agagaarka xadka Yemen.

Amiir Mansour bin Muqrin oo ah ku xigeenka badhasaabka gobolka Asir ayaa ka soo laabanayay hawlgal indhoindhayn ah markii ay diyaaraddiisu ku dhacday agagaarka Abha ammin dambe oo Axaddii ah.

Ma cadda waxa dhaliyay burburka diyaaradda.

BBC

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com