Soomaalida Sacuudiga oo arrin cusub oo yaab leh wajahaya (Warbixin)

Jeddah (Caasimada Online) – Sacuudiga waxaa ku sugan Soomaali fara badan oo isugu jira kuwa Sharciga dalkaa heystaa iyo kuwa aanan heysan.

Boqortooyada ayaa sanad waliba soo saarta amaro ka dhan ah dadka soo galootiga ah ee aanan heysan sharciyada Sacuudiga Soomaalidane ay ku jirto.

Soomaalida ayaa Kunool Gobolo uu kamid yahay Al-Baaxa oo dhanka Waqooyi ka jira Daaif, Jiddeh iyo Sabya oo dhacda dhanka Koofureed ee Gobolka Jazin (Jayzaan).

Inta badan Soomaalida kunool Sabya iyo Jiddeh ayaa ah kuwo ku shaqeysta Adeegayaasha (Qadaamooyinka), waxayna dhibaatooyin ku qabaan Digniinta Joogtada ah ee Shirkadaha Isgaarsiinta Sacuudiga ay u dirayaan, maadaama Boqortooyada ay cadaadineyso Shirkadaha.

Shirkadaha Isgaarsiinta ee Sacuudiga ka howl gala oo saddex ah ayaa kala ah:-

1-STC (Jawwy/ Saba), 2-Mobily iyo 3-Zain, waxayna bixiyaan adeegyada isgaarsiinta, sida Hadalada Telefoonada, Interntetka iyo adeegyo kale.

Amaradii ugu dambeeyey ee kasoo baxay Boqortooyada ayaa saameyn ku yeeshay Ajaanibta Sacuudiga kunool oo ay kamid yihiin Soomaalida, gaar ahaan kuwa Sharciga Heesta oo aanan horay u saameyn jirin Awaamiirta.

Xukuumadda Riyadh ayaa bilawday in shuruudo adag lagu xiro bixinta Simikaarada sida Soomaali ku sugan Sacuudiga ay Mustaqbal u sheegeen, Waxayna Bilaabeen Dhageysiga Telefoonada Soomaalida ay heystaan.

Bixinta (Shareexada / Sim Card-ka) oo si sahlan lagu siin jiray dadka heysta sharciga Sacuudiga, waxaa la sheegayaa in hadda la adkeeyey bixinteeda.

Lambarka ehelka ee (Raqam Caa’ilah) ayaa ahaa mid aanan Xadidneen oo hormuudka qoyska uu qaadan karo illaa inta uu rabo, si uu qoyska ugu qeybiyo Lambaradaasi.

Boqortooyada ayaa wax ka badashay arrintaan, waxayna sabab ugu dhigeysaa, in uu luminayo dhageysiga telefoonada shaqsiyaadka ay doonayaan, waxayna kusoo koobeen in qoyska ugu badan ay heysan karaan illaa 5-Nambar oo kaliya.

Ciidamada Sirdoonak Sacuudiga ayaa kordhiyey dhageysiga Macluumaadka la isku weydaarsanayo Telefoonada, kadib markii ay faraha la galeen Dagaalada Yemen ka socda oo Sacuudiga daris la ah.

Cadaadiska iyo culeyska ugu badan ee isgaarsiinta ayaa yimid kamdi markii Maxamed Bin Salmaan loo magacaabay in uu noqdo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga.

Sida Sharciga Sacuudiga uu dhigayo, dhaxal sugaha ayaa inta uusan la wareegin Howsha Boqortooyada sii shaqeeya, isla markaana sii diyaarsada amarada uu doonayo in uu dalka kusoo rogo kolka uu hanto Talada.

Sacuudiga ayaa sheegay in Sharciga Ogolaashiyaha Dalkeeda ay heystaan Dad gaaraya 12-Milyan oo ah Ajaanib, waxaana kamid ah Muwaadiniin Soomaali ah oo qaarkood Muddo fog dalkaa joogay.

Ciidamada Booliiska ayaa iyaga qudhooda bilaabay in ay Guryaha u galaan Ajaanibta Soomaalida ay ku jiraan, iyagoo heysta Xogta Teleefoonadooda.

Arrintaan ayaa u muuqata mid Ciidamada sacuudiga ay kula socdaan dhaq-dhaqaaqa Boqortooyada dadka ku sugan.

Dhanka Soohdinta ay wadaagaan Yemen oo ah marinka Soomaalida ay Sacuudiga kaga tallaabaan waxaa lagu xiray Silig, qeybta kore Kaamirooyin looga xiray si loola socdo dadka Xuduudda ka gudbaya.

Soomaalida Sacuudiga kunool gaar ahaan kuwa aanan sharciga heysan waxa ay qabtaan:- Hagaajinta Guryaha, Dhaqidda Gawaarida, Ilaalinta Xoolaha, Waraabinta Beeraha, Dhismaha guryaha iyo kuwo kale.

Halka kuwa Sharciga heysta ay u badan yihiin:- Macalimiin dhigta Dugsiyada Qur’aanka, Gadista Tukaamada, Kaxeenta Gawaarida iyo Shaqooyin Kale.

Sida Sacuudiga uu ula dhaqmi jiray Dadka Aqoonsiga (Bidaaqada) Heysta Iyo kuwa Aanan Heysan ayaa maanta kala duwan.

Tiro Soomaali ah oo Sacuudiga ku sugan ayaa Mustaqbal u sheegay in ay dareemayaan Culeeska amarada isdaba jooga ah, waxayna sheegeen in wargelin la’aan laga xiranayo SIM Card-radooda, taasine ay dhumiso Xiriirka Soomaalida Gudaha Sacuudiga ku sugan iyo eheladooda oo Dalka ku nool.