Sawirro: Jawaari oo si aan horay loo arag loogu soo dhaweeyay Kismaayo +Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland gaaray Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo wehlinaaya.

Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaanadiisa ayaa waxaa Garoonka Kismaayo kusoo dhaweeyay Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Mas’uuliyiinta Axmed Madoobe ku wehlineysay soo dhaweynta ayaa waxaa kamid ahaa ku-xigeenkiisa Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

Soo dhaweyn kadib Guddoomiye Jawaari ayaa Garoonka ka dhex sheegay inuu rajeynaayo in shaqo badan ay qabtaan mudada ay Kismaayo joogan isla markana ay wadashaqayn sameeyn doonaan baarlamaanka Federaalka iyo midka Jubbaland.

Sidoo kale, Axmed Madoobe, ayaa bogaadiyay booqashada Gudoomiyaha ee Jubbaland isagoo sheegay in ay yimaadeen Magaaladoodii oo aysan marti ahayn.

Jawaari ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu shirar gaargaara kula qaadan doono Xildhibaanada iyo Wasiirada maamulka waxa uuna socdaalkiisu yahay mid ku qotoma qaboojinta tabashooyin gaara oo uu qabo Axmed Madoobe.