Xog: Farmaajo iyo Kheyre oo weli la tashiyo ka leh magacaabida laba xil oo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ku guda jira wadatashiyo ay kusoo xulayaan Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Booliska iyo Nabadsugida.

Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ayaa la tashiyada la leh Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada, Odayaasha beelaha, Wasiiro iyo Siyaasiyiin ku dhow dhow dowlada.

Labada mas’uul ayaa la tashiyada ugu badan la leh Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo iyagu ku loolamaaya labada xil oo iminka faaruq ah.

Taliyaha ciidamada Booliska ayaa waxaa u sharaxan ilaa 4 mas’uul oo labo kamid ah ay horay usoo qabteen xilkaasi, halka Taliska Nabadsugida ay u taagan yihiin 5 musharax oo labo kamid ah la sheegay inay horay ugu soo fashilmeen xilal ay kasoo qabteen dowladihii hore, sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale, warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Kheyre ay diideen inay ku degdegaan magacaabida labadaasi xil, sababo la xiriira fashilo oo horay u dhacay.

Geesta kale, Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa buux dhaafiyay mas’uuliyiin loolan ugu jira xilalka faaruqa ah ee aan iminka lagu magacawneen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com