Daafaca Manchester United Chris Smalling oo qarka u saran inuu garoomada kusoo laabto.

Manchester United oo waayadaan dhibaato ka heysatay dhanka difaaca ayaa maqashay inuu tababarka kusoo laabtay Chris Smalling.

Smalling ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo markii uu xilli ciyaareedkii hore lugta ka jabay, laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu kusoo laabtay tababarka kubada cagta iyadoo laga yaabo inuu keydka kusoo bilowdo kulanka axada ay kooxdiisu booqaneyso Newcastle United.

Sir Alex Ferguson ayaa ku dhibaatoonaayey difaac la’aanta kooxdiisa, tiiyoo uu ku taagnaa Rio Ferdinand iyoo Jonny Evans, halka kabtan Nemanja Vidic lagu sameeyey qaliin isagoona garoomada ka maqnaan doona lix isbuuc.