Kismaayo ma waxay bedeshay Eritrea?

Waxaa maalmahan soocusboonaaday arinta kismaayo oo ah mid sadex geesood ah,balse waxaan lagaranayn sida ay arintaas kusoogaleen ururka Igad oo lasheegay inay shir Looga hadlayo arimaha gobolada Jubooyinka kabilaabeen magaalada Nayroobi.

Waxaana dadka soomaaliyeed isweydiinayaan kismaayo magaalo soomaliyed miyaa? mise waa dal kusoo- kordhay dalalkii laysku dhihi jiray IGAD,waxaana filayaa Kismaayo waxay bedeshay Dalka Ereteriya oo kabaxay dalalka Igad laysku dhihi jiray.

Waxaana tooshka uqaadanay sidii aan dadka soomaliyeed uga iftiimin lahayn, arinta kismaayo waxaana hada muuqata in difaac layskugu jiro oo koox waliba ay sugayso sidii ay tan kale uga guulaysan lahayd, magaaladan waxay soomartay gacmo badan balse kuma aysan qancin sida loo maamulayey iyo weliba cida maamulaysaba.

Waxaana ugu xukun dheeraa Maamulkii ladhihi jiray Dooxada Jubba, Dadka qaarna ay ugu yeeri jireen Walaalaha Galgaduud.

Kooxaha hada doonaya inay gacanta u gasho magaaladani waxay kakoobanyihiin dhowr qaybood, Kooxda Raaskaamboni(Beesha Absame) Kuwa sita Magaca Dawladda Federaalka ah(Sade-Mariixan)

Amisom(keenya keliya) iyo kooxa kale oo dhaqaale doon ah, sida U.S.A,Norwey,France, iyo kuwa kale oo laga yaabo inay kusoo biiraan, waxaana jira inay xulufo yihiin Amisom & Raaskaamboni, ayna

iska ilaalinayaan Maamul ay Dawladu lug kuleedahay uu yimaado Gobolka J/hoose, balse waxay ku faraxsan yihiin Maamul laga keeno Magaalada Nayrobi oo uu horseed kayahay Ruux kasoojeeda besha

Absame,taasina waa midaan dhacayn oo Keenya Dhulka ay hada haysato(N.F.D) ayaa in laga doono ay munaasab tahay ee mid kale looguma deri karo.

Waxaase xaqiiqdu tahay inay Beesha Absame xaq uleedahay inay kaqaybqaadato xukunka Gobolada Jubooyinka oo ay mudo dheer kutaamaysay, balse wadada ay u marayso waa inaysan noqon mida

Hadda jirta oo keenya kushukaaminayso inay beelaha kale uga xaqleeyihiin, ayna kugacan siindoonaan.

Ugu danbayntiina waxaan beelaha kale ee arintan kulugta leh usheegaynaa inay arinta dhulka dhigaan xukunkana laga dhigo mid dadka Soomaliyeed wadaagayaan balse aan laga dhigin mid gacan

Kurimis ah,waxaana xaqiiq ah in dadka iyo degaanada jubooyinka aysan colaad danbe u baahnayn ayna xiligaan tahay markii ay kabogsan lahaayeen colaadaha sokeeye, damaca beelaha.

Degaanada jubooyinka ee xiligan aad ayuu ukala duwan yahay waxaana jira, beelo kuqanacsan in maamul loo dhiso gobolka dadkuna ay si nabad ah ugu wada noolaadan waxayna aaminsanyihiin

in Kismaayo tahay Magaalo ka tirsan geyiga Soomaliyeed Khayraadkana ilaahay ayaa u hibeeyey, waxayna kulan satay Bad, Webi, & Dhulbeered.

Inay dhulkeena damaaciyaan dadka shisheeye ,

Inay dheemankeena gurtaan dadka shisheeye,

Dhoohnaanta dadkeena ayaa dhibaatada abuurtay

Suldaan Ali Abdulahi Hassan
Sweden Västerås
shacbaan5@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online.