Daahir Geelle oo falkii ay ku dhaqaaqday dowladda ku qeexay dhaqan jabhadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa war kasoo saaray xariga Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo Ciidamada NISA ay habeen hore ku xireen Muqdisho.

Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo ka tirsan idaacadda Kulmiye, ayaa qaaday wareysigii lala yeeshay Abuukar Cumar Cadaan ee uu ku teegeeray Al-Shabaab, waxaana loo haystaa inuu faafiyey wareysi khatar gelin kara amniga ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya, iyo inuu faafiyey hadallada qof taageersan Al-Shabaab.

Daahir Geelle oo hadda ah Hoggaamiyaha xisbiga Danqaran ayaa soo jeediyay in aan awooda Dowladda lagu Takri falin loona baahan yahay in xariga wariyaha lasoo maro sifo Sharci ah.

Waxaa uu tilmaamay in ay tahay mid Sharciga lidi ku ah in habeen Madow gurigiisa laga baxo wariyaha iyadoo la heli karo si Sharci ah oo lagu soo xiro.

Warka kasoo baxay Daahir Maxamuud Geelle ayaa siddaan u qornaa:

Xurriyad ka xayuubinta muwaadinka Xeer ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga yaalay Xirfadle in xirfaddiisa lugu xiro sidoo kale waxay eheed xaaraan aan xeer bannaynayaa jirin mid xarrimaya mooyee.

Dhaqanka dawladinimada waxaa ka mid ah in xeerarka la raaco lana dabaqo. Guri iskugu daadashada, albaab isku jebinta iyo isku guurayntuna waa dhaqamada lugu yaqaano jabhadaha waxayna suurad xumaynaysaa dawladnimada.

Xukuumadda Madaxwayne Farmaajo xeerarka dalka ma xeeriso, waxaa jira dhacdooyin tixane ah oo ka dhan ah sharafka dawladnimida iyo xeerarka dalka.

Falka Weriye Cabdullahi Kulmiye oo gurigiisa ay ugu dheceen ciidamo xilli habeen ah waa fal lid ku ah sharciga dalka oo u baahan in la saxo lagana dhiidhiyo.

Xeerka Ciqaabta Soomaliyeed qodobkiisa 44aad, faqradiisa 3aad wuxuu xarrimaysaa 6da maqribnimo illaa 7-da subaxnimo in waaran xarig ah loo geeyo muwaadin, iskabadaa in gurigiisa loo dhaco saq-dhexe ayadoon la wadan wax waaran ah.

Dawladdu waa dawladdeenii maahan jabhad na haysta, dawladdu waxay haysataa sharciyad ay dadka ku xirto kuna xeer-mariso, maxay tahay waxa dawladda ku qasbayaa in ay tuugaysato oo ay saq-dhexe dadka albaabada ku jebiso.

Waxaan ku baaqayaa in Wariye Cabdullahi Kulmiye si deg deg ah xurriyaddiisa loo siiyaa haddii dembi lagu tuhmaa loo maro hab sharci ah, ciddii falkaas gaysatayna sharciga la marsiiyo.