Daawo: Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo shaaciyey sababta ay Dhuusamareeb…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyahaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi oo Dhuusamareeb ku sugan ayaa xalay kalmado ka jeediyey kulan casho ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu sameeyey madaxtooyada uu degan yahay ee Galmudug.

Labada guddoomiye oo shalay soo gaaray Dhuusamareeb ayaa xalay shaaciyey qorsha ay u yimaadeen magaaladaan, iyagoo sheegay inay doonayeen in madaxweynaha ay ku bogaadiyaan howlgalka uu hoggaaminayo oo Shabaab dalka looga xoreynayo.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay yihiin odayaal aan awoodin inay dagaalamaan, balse la diyaar ah dhiirigelinta ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee u istaagay inay cadowga iska xoreeyaan.

“Madaxweyne waan ugu garab taaganahay dagaalkaan, anigu hada da’baan ahay oo tabar aan sheeganayo ma jirto, laakiin waxaan maanta hayo waa af, afakana waan idinku taageerayaa,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa darriin u diray dalalka deriska la ah Soomaaliya, isagoo ugu gacan haatiyey inay ku soo biiraan dagaalka Al-Shabaab, maadaama khatarta kooxdaan aysan ku koobnaa doonin Soomaaliya, hadey sii jiraan.

“Deriskeena waxaan leeyahay cadowgaan Soomaali kuma koobna, Soomaaliya ayey tabar darro ka dareemeen maahane, cadowgaan isku si ayey noola dagaalamayaan, derinkeena waxaan leeyahay indhaha fura, yaan la yareysan Al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Soomaalida ku sifeeyey dad ka guul keeni kara hadii ay dagaal wada galaan, isagoo tusaale u soo qaatay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya oo dadkii xiligaas joogay uu ka mid ahaa.

Cabdi Xaashi ayaa ku dheeraaday tilmaamida xeeladiihii ay Soomaalidu isticmaashay iyo farsamooyinkii markii dambe ka halaabay, maanta wuxuu sheegay in Soomaalidu ay ku jirto dagaal kii lamid ah oo ay tahay in loo midoobo.

Sidoo kale guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Shabaab aysan laheyn 3 sifo oo dadka lagu xukumi karo, kuwaas oo kala ah 1-Siyaasiyiin maaha oo dadka ma kasbadaan ee waa dilaan, 2-islaam maaha oo dadka dhiigooda ayey baneysteen, 3- Soomaali maaha, oo dadkooda ma xasuuqeen hadey Soomaali yihiin, seddaxdaas arrimood in aysan aheyn ayuu Shabaab ku sifeeyey Cabdi Xaashi.

Hoos ka daawo