Daawo: Aadan Madoobe oo farriin culus u direy laba maamul goboleed + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa bogaadiyay howl-gallada ay wadaan ciidamada kala duwan ee dowladda iyo kuwa deegaanka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in wejiga labaad ee dagaalka uu dhawaan ka bilaaban doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, isaga oo ugu baaqay shacabka deegaanadaasi inay u diyaar-garoobaan ka qeyb qaadashada cirib-tirka Al-Shabaab.

“Waxaa bogaadin iyo mahad-celin u dirayaa ciidamadeena qalabka sida howl-gallada ay wadaan ee la-dagaalanka xagjiriyaasha umadda Soomaaliyeed dhibaateeyay, arrintaas oo loo kala harin laga bilaabo madaxweynaha JFS, ciidamada qalabka sida iyo shacabweynaha Soomaaliyeed.”

Sidoo kale waxa u rejo wanaagsan ka muujiyay dhameystirka wejiga koowaad ee dagaalka, ayada oo arrintaas madaxweynaha Soomaaliya uu Dhuusamareeb xarun uga dhigtay, si loo guda-galo wejiga labaad ee dagaalka, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

“Galmudug iyo HirShabeelle waxaa leenahay dhameystirka Allaha u fududeeyo, labada maamul ee ku xiga Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxaa leenahay dadweynaha iyo ciidamada ku sugan inay u diyaar-garoobaan oo is abaabulaan oo ayaga oo diyaar ah loo yimaado.”

“Dalkaan nolol kale majirto, umadda Soomaaliyeed waxkasta waxaa ugu muhiimsan inay hesho nabad iyo xoriyad, yacni argagixisada dibadda laga soo xawilay oo fikrada xagjirka ah la keenay dalkeena, oo dad badan lagu dilay.”

Guddoomiyaha ayaa waxa uu ku taliyay in dhaqan-celin loo sameeyo dhalinyarada Shabaab kasoo barbar dagaalamay, si maskaxdooda loogu soo celiyo Diinta Islaamka ee markii hore si qaldan ugu shubtay kooxda.

“Maamuladaas waxaa leenahay diyaargarowa, wax la ogolaan karo meel argagixisada soo carartay ay nabad-gelyo ka dhigato ku badbaado. Ciidamada Soomaaliyeed kama daba harayaan waa soo socdaan idinka waa in aad is-xilqaantaan.”

Dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore, sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka,

Si kastaba, Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa billowday, waxaana la filayaa in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo, kaasi oo kooxda looga saarayo deegaannada ay weli kaga harsan yihiin maamulka Galmudug, si loogu gudbo wejiga labaad ee dagaalka.