Daawo: Aadan Madoobe oo ka dagay GAROOWE + Ujeedka

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehlinayaan xubnaha guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Garoowe kusoo dhoweeyey guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo ku xigeenadiisa koowaad iyo labaad.

Sidoo kale waxaa soo dhoweynta loo sameeyey Sheekh Aadan Madoobe qayb ka ahaa guddoomiyaha maamulka gobolka Nugaal, Duqa Garoowe, xildhibaanno ka tirsan golaha wakiilada, wasiiro ka tirsan golaha wasiirada Puntland, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.

Intaas kadib waxaa loo gudbiyey qaybta nasiinada ee garoonka diyaaradaha Garoowe, halkaas oo ay kula hadleen warbaahinta, iyagoo faahfaahin ka bixiyey safarkooda.

Ujeedka ah ayaa sidii uu baarlamaanka Soomaaliya kala shaqeyn lahaa baarlamaanka Puntland nidaaminta xeer-hoosaadka golahaas iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka ayaa inta uu joogo Garoowe wadahadallo la yeelan doono madaxda sare ee Puntland, isaga oo kormeeri doono xarumaha Garoowe.

Dhankiisa guddoomiyaha golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo madasha ka hadlay ayaa uga warbixiyey xaalada guud ee Puntland, isaga oo sheegay inta ay joogan Garoowe wefdiga guddoomiyaha golaha shacabka ay ku marti qaadi doonaan kalfadhiga 51-aad ee golaha wakiillada oo dhowaan ka furmay magaaladaasi.

Booqasho Aadan Madoobe ee Garoowe ayaa kusoo aadeyso, xilli uu maalmo kahor kasoo laabtay safaro kala duwan oo uu kusoo kala bixiyey qaar ka mid ah waddamada reer Yurub.