Muqdisho: Xubno Shabaab ah oo dil toogasho lagu fuliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa markale xukun dil toogasho ah saaka ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay horey xukun dil ah ugu ridday maxkamaddu.

Labada nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdulle Axmed Muudey oo 24 sano jir ah iyo Cumar Aadan Maxamed oo 29 sano jir ah, kuwaas oo lagu helay inay dilal u geysteen askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Cumar Aadan ayaa lagu helay inuu dilay Cabdullaahi Maxamed Hilowle bishii October 2019, halka Cabdulle Axmed Muudey isna lagu helay inuu dilay Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada amniga dowladda Soomaaliya bishii November ee sanadkii hore 2019.

Sidoo kale labadaan nin oo maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan ayaa waxaa dil toogasho ah lagu xukumay December 2020-kii, kaas oo maanta lagu fuliyey.

Fagaaraha lagu toogtay labadaan ruux waxaa ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan maxkamadda iyo ciidamada ammaanka oo xukunka dilka ku fuliyey raggaasi.

Inta badan maxakamadda ciidamada ayaa dilal toogasho ah ku fuliso xubnaha Shabaab ee soo gala gacanta dowladda oo haatan sare u qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi.

Si kastaba, dilka maanta lagu fuliyey Cabdulle iyo Cumar ayaa todobaad gudihiis ka dhigaysa in la toogtay illaa 10 ruuux oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.