Dhageyso: Sarkaal ka tirsan NISA oo shaaciyey qaladaadka amni ee ka jira Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee nabad sugidda gobolka Banaadir G/Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi ayaa tusaaleyn badan ka bixiyey sida ay tahay in wax looga bedelo sugidda amniga magaalada Muqdisho, maadaama ay dadku khatar ugu jiraan qaraxyada aan bartilmaameedka laheyn ee Al-Shabaab.

Ibraahim Macalin ayaa dhaliilay hanaanka hadda loo sugo amniga caasimadda Muqdisho, isagoo qiray in ciidanku ay dadaalayaan, balse ay kooban tahay awoodoodu.

Wuxuu sheegay in ciidanku aysan heysan qalab casri ah oo si fudud ay ugu baari karaan gaadiidka, taas oo sabab u noqoneysa in mararka qaar uu koontoroolada dhaafo gaadiid qarax sida.

Qaraxyada Muqdisho ayaa ah kuwa soo noqnoqda, oo kumanaan qof ay ku naf waayeen sanadihii tegay, welina ma muuqdo xal kama dambeys ah oo wax looga qaban karo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa 29-kii October qaraxyo dhimasho badan ka fulisay magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhinteen 120 qof, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ibraahim Macalin oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in khatar badan ay ka soo wajahan tahay kooxda, maadaama ay dowladdu ku dhawaaqday dagaal ka duwan dagaaladii hore oo kooxda lagu soo afjarayo.

“Dagaalkaan wuxuu taabanayaa dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha, taasi waxay keeneysaa in Al-Shabaab ay bedelaan howlgalkooda, seddax tiir ee madaxweynuhu uu sheegay in dagaalka lagu saleynayo, arrimahaas ayaa Al-Shabaab ku qasbaya inay toos u soo weeraraan caasimadda,” ayuu yiri Taliyihii hore ee nabad sugidda gobolka Banaadir.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga