Wararkii ugu dambeeyey QARAX maanta ka dhacay Muqdisho + Bartilmaameedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya faahfaahinada laga helayo qarax khasaare geystay oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino, waxaa lla beegsaday gaari Cabdi Bile ah, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sida aan xogta ku helay gaariga la qarxiyey oo gubtay ayaa waxaa la socday ilaalada guddoomiye ku xigeenka amiga gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), waxaana uu ka yimid gaariga dhinaca Dayniile, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga uu qaraxa dhacayey uusan kolonyada la socon Cali Yare, balse waxaa waxyeelo ay soo gaartay askar iyo dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey qaraxaan ku dhintay illaa saddex qof oo laba ka mid ah ay yihii carruur waddada mareysay, halka mid kalena uu yahay askari ka tirsan ciiidamada la qarxiyey.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay lix qof oo kale oo ay ku jiraan laba askari iyo dad kale oo isku qoys ahaa oo kala ah Aabe, Hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhaleen oo gaari saarnaa.

Weerarkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Sabtidii lasoo dhaafay qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen Zoobe, kuwaas oo ay ku dhinteen 120 qof, halka ay ku dhaawacmeen 300 oo kale.