Goob ay isku urursanayeen maleeshiyada Al-Shabaab oo weerar culus lagu qaaday

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo u dhexeeyey maleeshiyaadka la magac baxay ciidamada dib u xoreynta deegaanka iyo Kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ka qarxay deegaanka Ceelhareeri, kadib weerar ay ku qaadeen ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada halkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab ay isku uruursanayaan deegaankaasi, si ay weerar usoo qaadaan balse ay ka hortageen, islamarkaana ay khasaare ku gaarsiiyeen dagaal culus oo ka dhaca deegaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu sii xoogeystay markii ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay heleen ciidamo gurmad ah ay oo ka yimid deegaanka Tardo.

Intaas kadib ayaa waxaa ciidamada u suuragashay inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceelhareeri oo u dhow magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Hiiran ayaa ka mid ah gobollada uu ka socdo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn ka gaareen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya.