Maxaa kasoo baxay shirkii golaha wasiirada? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada oo maanta ka qabsoomay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa looga hadlay gurmadka loo fidinayo dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadii Zoobe iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shirkan oo uu guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza ayaa ugu horreyn warbixino looga dhageystay guddiga qaran ee loo saaray gurmadka dadkii waxyeeloobay Qaraxyadii Zoobe.

Gudiga ayaa golaha la wadaagay warbixin ku aadan halka ay marayaan howlaha gurmadka, iyagoo tilmaamay in qaar kamid ah dhaawacyadii darnaa loo qaaday dalka dibeddiisa.

Wuxuu sidoo kale guddigu shaaciyey in weli gurmadka uu  socdo, islamarkaana ay dalka soo gaareen dhaqaatiir iyo daawooyin ka yimid dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.

Sidoo kale golaha wasiirkada ayaa shirkooda warbixin uga dhageystay wasiirada amniga iyo gaashaandhigga, taas  la xiriirta howlgallada xorreynta iyo xasillinta ee ka socdo dalka.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa tilmaamtay deegaanno muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab lagala wareegay, welina ay socdaan howlgalladaasi.

Ugu dambeyn wasaaradda maaliyadda ayaa golaha u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha deyn cafinta iyo safarkii wasiirka maaliyadda uu ku tegay Mareykanka oo kula soo kulmay hay’adaha maaliyadda caalamka, iyadoo la rajeynayo ilaa dhammaadka sanadka danbe in la soo dhameystiro barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya.