Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka ayaa wajahaya kooram la’aan mararka qaar saameysa shaqada guud ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Kulankii maanta oo uu ajendihiisu ahaa akhrinta labaad ee hindishe sharciyeedka hanti dhowrka guud ee qaranka ayaa ku dhowaaday inuu baaqdo, kadib markii la waayay kooram buuxa, taas oo keentay in saacado kale lagu daro, si ay xarunta usoo gaaraan xildhibaanada maqan oo qaarkood aad u soo daahay, kadibna sidaas ayuu ku furmay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka hadlay arrintan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xildhibaanada qaarkood ay gabaan waajibkooda.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaanada qaar iyaga oo jooga Muqdisho aysan soo xaadirin kulamada baarlamaanka, balse ay tallaabo ka qaadayaan.
“275 xubnood inaan ka weyno 140 waa nasiib daro, iyaga oo qaarkood magaalada joogaan, dadka fasaxa rasmiga ah ku maqan 50 kama badno” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay isla aadayaan xeer hoosaadka, si tallaabo looga qaado xildhibaanada iska maqan ee aan inta badan soo xaadirin kulamada baarlamaanka.
“Haddii aan xeer hoosaadka loo hoggaansamin qof kasta rabitaankii iyo qiyaarkii ayada oo magaalada la joogo fasax la’aan la’iska maqnaado, taas macnaheeda wuxuu noqonayaa inaan la qadarineynin waajibaadka aan u dhaarana ee Ummadda Soomaaliyeed aan wakiilka uga aheyn” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Intaasi kadib guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa faray in golaha laga baafiyo magacyada xildhibaanada ka maqan shaqadooda.
“Waxaan magacyadooda yeerineynaa xildhibaanada iska maqan shaqo la’aan iyo fasax la’aan isaga maqan si ay ogaadaan dadka ay metalaan” ayuu sii raaciyay.
Halkan hoose ka aqriso magacyada xildhibaanada maqan oo uu golaha u akhriyay habdhowraha baarlamaanka Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.
1-Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud 2-Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim Maxamuud 3- Xildhibaan Diini Cismaan Yuusuf 4-Xildhibaan Asli Cabdirisaaq Maxamed 5-Xildhibaan Faarax Yuusuf Cumar 6-Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Ducaale 7-Xildhibaan Xuseen Xasan Maxamed 8-Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamuud 9-Xildhibaan Sahra Jaamac Cali 10- Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir 11-Xildhibaan Cumar Yuusuf 12-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame 13-Xildhibaan Maxamed Cabdalle Axmed 14-Xildhibaan Aweys Saciid Cabdalla 15-Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Cali Cabdalla 16-Xildhibaan Maxamed Aadan Maxamed 17- Xildhibaan Farxiyo Maxamed Cabdi 18-Xildhibaan Madoobe Axmed Aadan 19-Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud 20-Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xasan 21-Xildhibaan Maxamed Cismaan Cumar, 22-Xildhibaan Isxaaq Maxamed Maxamuud, 23-Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan 24-Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Jiley 25-Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali 26-Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed 27-Xildhibaan Saadaad Maxamed Nuur Caliyow 28-Maxamed Cabduqaadir Maxamed 29-Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) 29-Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib 30-Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed 31-Xildhibaan Yacquub Ismaaciil Yuusuf 32-Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale 33-XildhibaanIsxaaq Maxamuud Mursal 34-Xildhibaan Fardowso Cismaan Cigaal 35-Xildhibaan Ismcaaciil Cabdiraxaam Sheekh Bashiir 36-Xildhibaan Cali Maxamed Aadan 37-Xildhibaan Nuuradiin Cabdullaahi Coljoog 38-Khadra Maxamed Dukaale 39-Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi 40-Xildhibaan Maxamed Nuur Abuubakar 41-Xildhibaan Cumar Shariif Maxamed 42-Xildhibaan Cabdiwahaab Cabdi Cumar 43-Xildhibaan Cabdi Cabdi Ibraahim.