Jabhadda ku sugan Buurta Gacan-Libaax oo afduub ka geysatay Somaliland

Berbera (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in maanta mar kale ay kooxda hubeysan ee ku sugan Buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil ay afduub ka geysatay gudaha magaalada Daba-gorayaale ee gobolka Daad-madheedh.

Maleeshiyaad ka tirsan kooxdan oo dhowaan kortay buurtaas ayaa laba gaari ka kaxeystay magaalada Daba-gorayaale, kuwaas oo ay laheyd  Hay’ada Miino-baarista ee Hello Trust.

Sidoo kale kooxdan ayaa qoryaha ka qaatay afar askari oo ku sugneyd xerada ay weerareen, sida uu shaaciyay taliska booliska ee gobolkaasi.

Yaasiin Maxamuud Cabdi oo ah Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Daad-madheedh ayaa VOA u sheegay in kooxda uu ujeedkooda ahaa inay dhacaan khasnadda dowladda ee taalla halkaasi, kadibna ay wax ka wayeen, ayna u dhaceen xarunta kale oo ku xigta.

“Ujeedooda waxa ay aheyd khasnadda dowladda inay dhacaan markii ay halkaas wax ka waayeen waxay tageen xarunta ku xigta, saddex askari oo xalay waardiye ahaa ayey qoryihii ka qaateen” ayuu yiri Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Daad-madheedh.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay in raggan hubeysan ay horay u afduubteen laba gaari oo ay xoog ku kaxeysteen, sida uu hadalka u dhigay.

“Laba baabuur ayay sidoo kale kaxeeyeen oo kala ah baabuur weyn iyo baabuur yar,” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale wuxuu intaasi ku daray inay rasaas fureen dableyda hubeysan, isla-markaana ay dhaawaceen hal askari, isaguna ay waxyeelo soo gaartay gaarigiisa.

“Rasaas ayay fureen annaga 1 askari ayay naga dhaawaceen anniga gaariga waxaa ku yaalla dhowr xabadood intaas ayaa dhacday” ayuu mar kale yiri taliye Yaasiin Maxamuud.

Waa markii labaad oo ay kooxdan afduub ka geysaneyso Somaliland, ayada oo horay u xirtaay 8 qof oo ay 2 kamid ah ay ahaayeen saraakiil, walow mar dambe laga soo daayay.