26.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Daawo: Al-Shabaab oo jaray buundadii Bariire, iyo xubno nolosha lagu qabtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Bariire (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay miinooyin ku xirtay oo ay jartay Buunadii deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ciidamada dowladda ay deegaankaas weerar ku qaadeen, kana saareen kooxda.

Al-Shabaab ayaa dhowr bilood heystay deegaanka Bariire, halkaas oo ciidamada dowladda ay isaga baxeen markii ay kooxdu qabsatay degmada Awdheegle iyo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo culus oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose, saacadihii lasoo dhaafay, isagoo xaqiijiyey in Shabaab jareen buundadii Bariire.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in nolosha lagu qabtay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab iyo hubkii ay wateen, iyadoo deegaano badan dib looga saaray argagixisada, sida uu sheegay Cumar Cali Cabdi.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in gobolka Shabeellaha Hoose uu ka bilowday howlgal culus oo lagu sifeynayo kooxda Al-Shabaab, iyadoo qorshuhu yahay in dib loo xoreeyo deegaanada Sabiib, Caanoole, Bariire, Awdheegle iyo deegaano kale oo muhiim ah oo Shabaab ay qabsadeen bilihii lasoo dhaafay.

Dad ku sugan Bariire ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada dowladda ay soo galeen deegaanka, kooxda Al-Shabaab ayaa isaga baxay Bariire, iyagoo sii burburiyey buundadii deegaankaas, taas soo ka dhigan in deegaano badan oo ka tirsan gobolkaas ay ka go’doomeen Muqdisho.

Maalmaha soo socda howlgal culus oo Taliyaha Ciidanka Dhulka uu hoggaaminayo ayaa ka bilaabanaya Shabeellaha Hoose, sida ay ilo wareedyo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, howlgalkaas ayaa la qorsheeyey inuu noqdo mid lamid ah kii Badweynta Hindiya oo sanadihii 2014-2015 lagu xoreeyey dhul badan.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News