Daawo: AMISOM oo go’aan kama danbeys ah ka qaadatay muranka iyo is-qabqabsiga baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online)–Taliska guud ee howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa mowqif cad ka qaatay xaalada siyaasadeed ee Baarlamaanka Somalia iyo dhacdadii arbacadii la soo dhaafay ka dhacday xarunta Golaha Shacabka.

Madaxa midowga Afrika iyo AMISOM Francisco Caetano J. Madeira ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in amar kasoo baxay madaxda sare ee midowga Afrika lagu faray inuu mowqif cad ka bixiyo arrimaha cakiran ee ka taagan xaalada Somalia, wuxuuna sheegay in ay tixgelinayaan madaxbannaanida iyo qaranimada Somalia.

Francisco Madeira ayaa sheegay inay ka war qabaan is mari waaga ka taagan Baarlamaanka Soomaaliya oo laba Garab u kala jabay, taasoo xaaladda ammaanka culeys ku soo kordhisay.

“Midowga Afrika iyo AMISOM waxay dhowrayaan Qaranimada dadka Soomaaliyeed, waxayna aqoonsan yihiin xaqa hoggaankooda ay u leeyihiin inay xalistaan arrimaha dalkooda la soo gudboonaada oo ay ku jirto xiisadda siyaasadeed ee hadda ka taagan Baarlamaanka federaalka oo laba u kala qeybsan.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa lagu caddeeyay in AMISOM aysan xaq u lahayn inay Baarlamaanka ku soo rogto qaabka ay u shaqeyb lahaayeen, isla markaana aysan la wareegeynin Xarunta Baarlamanka inta madaxda sare ee dalka ay ka codsaneyso arrintaasi.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay qodobadaan hoos ku loran:.

1- Sida aad ogtihiin dhammaantiina, waxa aanu mareynaa xaalad siyaasadeed oo adag. Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sidoo kale loo yaqaan Golaha Shacabka waxa uu xilligan u kala qeybsan yahay laba kooxood oo iska soo horjeeda.

2- Is-heysadka wuxuu gaaray  Arbacadii hore heerkiisii ugu sarreeyay oo siyaasad iyo amni la xiriirta, taasi oo keentay in ciidanka AMISOM ay farageliyaan iyaga oo iskaashi la sameynayay ciidamada ammaanka Soomaaliya si xaaladda loo dejiyo.

3- Waxa aan ka helay farrriimo madaxdeyda sare ee Addis Ababa ku sugan, taasi oo la xiriirtay in AMISOM ay u xilsaaran tahay taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo sugo amniga xarumaha hey’adaha qaranka oo uu ku jiro Baarlamaanka.

Midowga Afrika iyo AMISOM waxay tixgelinayaan madax banaanida shacabka Soomaaliyeed, waxayna qirayaan xuquuqdooda iyo kalsoonida buuxa ee ay ku qabaan hoggaankooda si looga hortago caqabadaha oo ay ku jirto siyaasadda xilligan taaggan ee laba u kala qeybiyay Aqalka hoose.

Iyada oo taasi laga ambaqaadayo, AMISOM awood uma lahan inay amar dul dhigto shacabka Soomaaliyeed iyo run ahaantii Baarlamaanka oo la xiriira habka ay howshooda u qabsanayaan, AMISOM gacanta kuma heyn karto Golaha Shacabka waase haddii hey’adaha Soomaaliyeed ee ku shaqada leh ay codsadaan ayey ku dhaqaaqi kartaa. calaa kullli xaal annagu waxa aan ku jirnaa xaalad heegan ah, waxa aan diyaar u nahay in aan caawinno Soomaaliya , baarlamaanka ama meel kaleba ha noqotee.

Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran

Bayaanka Wakiilka Gaarka ah ee Midawga Afrika uu ka soo saaray xaaladaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

6-dii April,2018

Xubnaha sharafta leh ee warbaahinta, saraakiisha sarsare ee AMISOM, mudanayaal iyo marwooyin,

1. Sida aad dhammaantiin ka warqabtaan, waxa aynu waajahaynaa caqabado siyaasadeed oo adag. Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliyeed, oo sidoo kale loo yaqaanno Golaha Shacabka, waxa uu hadda u qaybsan yahay labo qurub oo iska soo horjeeda.

2. Iska-horimaadkan ayaa Arbacadii dhawayd ku danbeeyey xaalad siyaasadeed iyo amni, taasi oo keentay soogalka ciidamada Amisom oo caawinaya, isla markaana la shaqaynaya Ciidamada Qaranka Soomaaliya, si ay xaaladda wax uga qabtaan.

Xubnaha sharafta leh ee Warbaahinta, Saraakiisa sarsare ee AMISOM ee goobta jooga, mudanayaal iyo marwooyin,

3. Waxa ay hoggaamiyaasha ugu sarreeya ee Addis Ababa [jooga] i soo fareen inaan idin ku wargeliyo in Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) uu u xilsaaran yahay la shaqaynta Ciidamada Amniga Soomaaliya si ay u sugaan amniga Hay’adaha Qaranka Soomaaliyeed oo uu ku jiro Baarlamaanku.
Guddida Midowga Afrika iyo Amisom waxa ay ixtiraamayaan madaxbannaanida shacabka Soomaaliya, waxa ay aqoonsan yihiin xuquuqdooda, waxayna kalsooni buuxda ku qabaan awoodda Hoggaankoodu ku xallin karo caqabdaha uu waajahayo waddankoodu oo ay ku jiraan taxaddiyada siyaasadeed ee hadda, ee keenay Aqalkii Hoose ee Baarlamaanka oo labo u kala jabay. Marka halkan la joogo, AMISOM maandheet (mandate) u ma laha inay shacabka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale Baarlamaanka, u yeeriso qaabka ay tahay inay hawlahooda u qabsadaan. AMISOM, sidaasi darteed, lama wareegi doonto gacan-ku-haynta Golaha Shacabka, jeer oo ay hay’adaha awoodda u leh ee Soomaaliyeed sidaas soo codsadaan mooyaane, iyada oo si buuxda loogu hawlgelayo xayndaabka maandheetka AMISOM. Si kastaba ha noqotee, dhegta ayaa noo taagan, heegganna waa aannu ku jirnaa annaga oo diyaar u ah inaan caawinno Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd Baarlamaanka amase meel kale.

4. Aniga oo ku hadlaya afka Guddida Miwowga Africa, guud ahaan AMISOM, iyo afkaygaba, waxa aan jeclahay inaan hoosta ka xarriiqo in aragtidayadu tahay in iska-horimaadka siyaasadeed ee hadda taagan uu u dhexeeyo labo dhinac oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, oo sidoo kale loo yaqaanno Golaha Shacabka.
5. Midowga Afrika iyo AMISOM waxa ay aqoonsan yihiin isla markaana dhawrayaan xaqa uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u leeyahay in uu jaangooyo goorta, goobta iyo qaabka ay u gudanayaan hawshooda. Sidaasi darteed, maaha waajibka AMISOM inay jaangoyso goobta iyo qaabka ay tahay inay u fuliyaan hawlahooda Baarlamaan.

6. Waxaan jeclaan lahaa in aan aad u qeexo in Midawga Afrika, oo AMISOM metelayso, kuna shaqaynaya Bayaanka Qaramada Midoobay ee 2372(2017) uu fulinayo wareejin wejiyaysan oo shuruud ku xidhan oo mas’uuliyadda amni lagu wareejinayo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya; iyo in kacsanaanta siyaasadeed ee hadda taagani aanay sinnaba u saamaynayn AMISOM ama aanay ugu qasbayn in ay xoogaggeeda la baxdo.

Marnaba si iskayaga ah uma cidlaynaynno dadka furfuran ee Soomaliya, garabkooda ayaannu ahaan doonnaana sidii aannu weligayo u soo ahaynba, jeer oo ay noo sheegaan in ay diyaar u yihiin in ay naga la wareegaan. Inta xilligaa laga gaarayo, waannu sii wadaynaa taageeridda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee u halgamaya in ay sugaan amniga iyo nabadgelyada dalkooda iyo hay’adahooda, uu Barlamaanku ka mid yahay.

7. Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxa ay aad u danaynayaan arrimaha amni ee ka dhalan kara waxyaabihii Arbacadii ka dhacay Baarlamaanka. Waxa aan ka codsanayaa xubnaha Baarlamaanka iyo metalayaasha sharciga ah ee shacabka Soomaaliya, inay sii wadaan is-xakamaynta inta ay ku hawlan yihiin xallinta kaladuwanaanshaha iska horkeenay.

8. Waxa aan jeclahay inaan uga mahadceliyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, AMISOM iyo laamaha kale ee ciidamada amni ee qaranka Soomaaliya qaabka muxtarifka ah ee ay ugu guuleysteen xakamaynta xaaladda, uga hortageen gacan-ka-hadal una ilaaliyeen nabadda intii lagu gudajirey kalfadhigii gaarka ahaa ee Baarlamaanka ee Arabacadii.

9. Midowga Afrika waxa uu halkan u joogaa dhammaan dadka Soomaaliya. Waa aannu sii wadi doonnaa inaan dhammaantiin iyo heer kasta oo aad joogtaan idin la tacaamulno, aanuna idin taageerno inta aad ka shaqaynaysaan soo-celinta sharafta qarankan weyn, soo-afjarka gacan-ka-hadalka, xal-waara-u-helidda waddankan iyo inaad muwaadiniintiisa u abuurtaan mustaqbal wacan. Inta aannu sidaas wadno, maandheetkayagu noo oggolaan maayo inaannu garabka saarno cid idin ka mid ah, maxaa yeelay Midowga Afrika waa uu idin jecel yahay dhammaantiin.

Waa aad mahadsan tihiin.