Beesha caalamka oo war cusub kasoo saartay xiisadda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka gaar ahaan Qaramada midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo dalalka Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, UK iyo Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay xaslooni-darrida amni iyo midda siyaasadeed ee ka jirta Muqdisho iyaga oo intaasi raaciyay inay halis gelin karto horumarka laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha, isla markaana dhaawici karto  sumcadda Soomaaliya.

Beesha caalamka waxaa ay ku dhiirigelisay hoggaanka baarlamaanka iyo fulinta inay xushmeeyaan xeerarka iyo dastuurka, lagana fogaado wax walba oo isku dhac keeni kara.

Ugu dambeyntii beesha caalamka waxaa ay soo jeedisay in hoggaanka baarlamaanka iyo fulinta wada hadlaan maalmaha soo socda oo si nabad ah dastuurka lagu kala baxo.

Baaqa beesha caalamka waxaa uu imaanayaa iyada oo 3 qarax oo Gaari loo adeegsaday ay ka dhaceen Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay, Jidka Airporka oo mid ah iyo labo jidka Afgooye ah, khasaaraha ayaa 5 ka badan.