Daawo: Sida uu maanta u qabsoomay kulanka ay mooshin wadayaasha mar kale kusoo bandhigayeen cududooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta kulan aan caadi aheyn magaalada Muqdisho ku yeeshay Xildhibaanada ku mideysan Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano dhowr ah kuwaas oo weli sheegaya in uusan burun mooshinkii ay ka gudbiyeen gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,iyaga oo sidoo kale sheegay in ay gaarayaan ilaa 220 xildhibaan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA