Daawo: Amisom oo xashiish iyo DAROOGO ku abuurtay beero ay leeyihiin shacab

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka beeraleyda ah ee ku dhaqan degaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa weli cabasho xoogan ka muujinaya ciidamada AMISOM ee ka howl-gala degaankaasi, kuwaas oo la sheegay inay fariisimo ka dhigteen beero ku yaalla degaankaasi.

Faadumo Cumar Xasan oo ka mid ah beeraleyda Golweyn, balse haatan deggan waddanka Mareykanka ayaa u sheegtay Barnaamijka Hanoolaato ee uu qabto Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi in beer ay ku leedahay Golweyn ay tan & 2017-kii dagan yihiin ciidamada AMISOM.

Wareysigan ayey sidoo kale Faadumo ku sheegtay in beerteeda nus ka mid ah ay haatan xashiish ku beereen ciidamada AMISOM, sida ay hadalka u dhigtay.

“Beerteyda AMISOM waxa ay qabsatay markii aheyd August 2017-kii waqtigaas markii ay beerta qabsadeen isla markii waxa ay bilaabeen in xashiishad beerta nuskeed lagu beero, intaas kaliya ma’aha waxay ii geysteen (Property Damage), shaqaalihii beerta ka shaqeynaayey waxay dantu ku qasabtay inay meeshii ka cararaan,” ayey tiri Faadumo.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay “Nasiib xumo hadda waxa ay noqotay beer goob dagaal ah, beer aan la rabin in horumar laga suubiyo, AMISOM base-keeda dhanba waa beerteyda ayey ku taallaa.”

Faadumo Cumar Xasan oo hadalkeeda sii wadata ayaa shaaca ka qaaday in xiriiro ay la sameysay AMISOM qeybaheeda kala duwan iyo dowladda, balse aan waxba laga qaban cabashadeeda la xiriirta in ciidamada AMISOM laga raro beerteeda oo ku taalla Golweyn.

“Si kasta oo aan dadaal badan u suubiyey waxaa dhacday in arrintan xittaa dowladdu ay wax ka qaban weysay,” ayey markale wareysiga ku tiri Faadumo Cumar Xasan.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday in beerteeda oo dhan 315 Higtar laga dhoofin jiray Mooska, xilligii dowladdii dhexe, haddana ay diyaar u tahay inay hormariso wax soo saarkeeda, balse aysan laheyn awood weyn oo ay isaga rari karto ciidamada AMISOM.

“Aniga Faadumo shaqsi ahaan waan awoodaa inaan beerteyda sanad gudaheed ku kiciyo, bil gudaheed ku kiciyo dhaqaale ima celinaayo, laakiin awood-baana jirin meesha. Aaway dowladdii Soomaaliya?, aaway Qareenadeenii?,” ayey tiri ugu dambeyntii Faadumo Cumar.

Si kastaba, AMISOM ayaa horey dhibaatooyin kala duwan uga geysatay degaanka Golweyn, waxayna dhowaan ku leysay dad shacab ah oo beeraley ahaa, kuna sugnaa halkaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka