Video: Soomaaliya ‘oo gashay xaalad la mid ah tii lagu dilay’ madaxweyne Cabdirashiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka hadlay khilaafka iyo boobka lagu sameeyo doorashooyinka ayaa sheegay inay ka dhashaan gabood fallo waaweyn, sidii horay uga dhacday dalkeenna, hadana ka taagan, sidoo kale waxuu tusaale u soo qaatay khalalaasaha ka dhashay boobka doorashooyinka ee ka taagan dalal ay ku jirto Itoobiya.

Dr. Baadiyow ayaa sheegay in hadda ay taagan tahay heer boobkii doorashada la xalaashaday, isagoo ka digay in qaabka loo maamulayo doorashada Soomaaliya ay sababto burbur iyo kala tag hor leh.

“Markii doorashooyinka la isku qabtay sanadkii 1969-kii waxay sababtay in la dilo Madaxweynihii hore ee dalka Cabdirashiid Cali Sharmaarke, hadda waxaan mareynaa marxalad xaaraantii la xalaaleeyay,” ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Maalinkaan xornimada qaadanay ilaa hadda doorasho kasta waxaa dhici jirtay in la is boobo, taasi waxay keentay in dalku dumo, hadda boobkii ayaa la sharciyeeyey oo xaaraantii ayaa la xalaaleystay.”

Sidoo kale Dr. Baadiyow ayaa afar qodob ku soo koobay qaabka hadda boobkii doorashada Soomaaliya ay siyaasiyiintu u xalaaleysteen.

1– Siyaasad qabiileysan, oo hadii xumaanta laga dhaafo lagu gaari karo doorasho qof iyo cod ah.

2– Siyaasad ganacsi ah oo la kala dalaalayo, yaa xoolo badan heystooy? Taas hadda xaaraan kama aha Soomaaliya.

3– Siyaasad la is boobaayo oo la isku dhacaayo sidii Geella loo kala dhici jiray waayihii miyiga.

4– Siyaasad la cagta la isku dhacaayo dowlado ajanebi ah laga soo qaadayo, kuwaas oo hadhow dabada laga gelayo.

Dr. Baadiyow ayaa afartaa qeybood ku soo koobay musuqa doorashooyinka Soomaaliya, “Afartaas qeybood ee siyaasiyiintu ku dhaqmaan colaado ayey abuureysaa, diinteenu ma ogola, sharciyada caalamku ma ogola, laakiin hadda waa laga aqbalsan yahay dalkeenna, marka waxaan leenahay war waaba is boobeysaane ha is dilina oo meesha u dambeysa yaan la isla gaarin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Dr. Baadiyow.

Hoos ka daawo