Daawo: Axmed Madoobe oo ku adkaaday loolankii GEDO kadib arrin soo korortay

Garbahaarey (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu dambeyn isku ballaariyay gobolka Gedo, isaga oo ka adkaaday garabkii kale ee in muddo ahba kasoo horjeeday.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii uu maamul cusub u magacaabay gobolkaasi, kaas oo hadda ku sugan xarunta gobolka ee Garbahaarey iyo degmooyinka kale.

Maamulka cusub ayaa waxaa hoggaaminaya, Cabdullahi Shimbir, kaas oo safar dhulka ah ku gaaray Garbahaarey, kadib markii dhanka hawada laga celiyay. Ninkan iyo xubnaha kale ee la shaqeeya ayaa intaasi kadib dhaq-dhaqaaq xoogan ka bilaabay gobolka intiiisa kale.

Abuulka iyo qorshaha ay la yimaadeen xubnaha maamulka cusub ayaa durbo keenay in degmooyinka kale ay taageeraan, isla-markaana ay ku biiraan Jubbaland, taas oo dhabarka jebisay xubnihii kale ee horay ugu sugnaa gobolka, kana soo horjeeday Axmed Madoobe.

Degmooyinka laga soo dhaweeyay maamulka cusub ayaa waxaa kamid ah Baardheere, Beledxaawo, Luuq iyo Garbahaarey oo ah meesha uu hadda joogo guddoomiyuhu.

Beledxaawo oo shalay lagu qabtay shir jaraa’id oo ay goobjoog ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka cusub ee Gedo iyo saraakiisha laamaha amniga ee gobollka ayaa guddoomiyaha degmadaasi, Cabdirashiid Caroog wuxuu ku dhawaaqay inuu isbeddal ka dhacay gobolka, isla-markaana ay haatan maamul ahaan u wareegeen Jubbaland.

“Gobolka waxaa ka dhacay isbeddal waxaa laga gudbay nidaamkiii hore ee ay gacanta ku haysay dowladda federaalka Soomaaliya, haddana loo gudbaayo State uu gacanta ku hayo” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Beledxaawo Cabdirashiid Caroog.

Sidoo kale wuxuu taageeray maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Cabdullahi Shimbir, isaga oo shaaca ka qaaday inuu la shaqeyn doono, maadaama uu isbeddal ka dhacay gobolka.

“Annaga maamul ahaan waan qaadanay arrintaan, waana soo dhaweynay maanta bulshada reer Beledxaawo waxaan u sheegayaa in maamulka jira uu yahay mid laga xukumo caasimada gobolka ee Garbahaarey oo uu joogo barasaabka cusub ee gobolka, Mudane Cabdullaahi Shimbir, isagana uu hoostago wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland, wasaaraddana ay hoostagtagto madaxtooyada Jubbaland” ayuu mar kale yiri Caroog.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Annaga  ooka duuleyno masaalixda dadka waxaan go’aansanay inaan hadda la jaan-qaadno maamulka cusub”.