Mooshin buuq dhaliyay oo la horgeeyay BF + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo haatan kulankoodii 6-aad ee Kafadhigga 3-aad ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa la horgeeyay mooshin deg deg ah oo ay keeneen 30 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Mooshinkan oo loo gudbiyay Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku saabsanaa in ajendaha kulanka maanta lagu kordhiyo mooshin ku aadan la xisaabtanka iyo habsami u socodka howlaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe oo furay kulanka ayaa ka hadlay mooshinkan, isaga oo la wadaagay xildhibaanada, si ay cod ugu qaadaan in ajendaha lagu daro ama laga tego.

“Xildhibaano tiradooda gaareyso illaa 30 xildhibaan ayaa dalbaday in ajendaha lagu kordhiyo ajenda kale oo ay ku sheegeen isla xisaabtan iyo habsami u socodka Golaha” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Sidoo kale waxaa kulanka laga aqriyay warqad ay soo qoreen 30 xildhibaan ee mooshinka keenay, ayada oo Goluhu soo hor istaagay Cabdirashiid Xidig oo sharaxay mooshinkooda.

“Mudane guddoomiye habsami u socodka maamulka Golaha waa ka jira tabasho xoogan oo ay xildhibaanadu qabaan sidaas darteed waxaa noo muuqato inay lagama maarmaan ay tahay in maamulka Golaha lagu soo celiyo u hoggaansanka Dastuurka iyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka” ayuu yiri xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo kasoo jeeda Jubbaland.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaa rajeynayaa inaad naga aqbashid soo jeeditaan oo waafaqsan Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka”

Dhankiisa xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha saxiixay mooshinka ayaa madasha ka hadlay, wuxuuna eed u jeediyay guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka.

“Baarlamaanka sharafta leh warqadda uu halkan ka aqriyay walaalkey Cabdirashiid Xidig annaga ayaa soo qornay waxaa naloo keenay warqad ay guddiga joogtada ah iyo xukuumadda ay isku shubteen shaki weyn ayay taas na gelisay” ayuu isna yiri Jeesow.

Intaas kadib ayaa waxaa mooshinkan ka dhashay buuq xoogan, ayada oo la’isku qabtay in cod loo qaado iyo in kale, waxaaa isku dhacay guddoonka iyo xildhibaanada.

Dood dheer oo sababtay in kulanka uu istaago kadib ayaa waxaa mar kale cod la geliyay in mooshinka ajendaha wax ka beddalka dib loo dhigo ama isla maanta laga doodo, waxayna xildhibaanada u codeeyeen in kulanka dambe laga dhigo dooddan, si la’isugu soo laabto.

Si kastaba kulanka maanta ayaa ajendihiisa wuxuu ahaa la xisaabtanka xukuumadda, waxaana kulanka ku sugnaa wasiirka amniga, Maxamed Sheekh Doodishe oo la filayay inay su’aallo weydiiyaan xildhibaanada Baarlamaanka, walow taas xittaa la’isku khilaafay.