FARMAAJO oo baaq culus kasoo saaray xaaladda….

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dab xoogan xalay ka kacay suuqa weyn ee magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka.

Dabka ayaa geystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh, ayada oo ugu dambeyn gurmad ay sameeyeen dadka deegaanka iyo maamulka deegaanka lagu guuleystay in la damiyo.

Farmaajo oo ka hadlay dhacdadaas ayaa marka hore shaaca ka qaaday inuu murugada la qaybsanayo ganacsatada iyo shacabka reer Jigjiga ee dhibaatada kasoo gaartay dabkaasi.

Sidoo kale wuxuu Alle uga baryey inuu beddal khayr qaba siyo ganacsada ku hanti beeshay dabka ka kacay  suuqa Taywaan ee magaalada Jigjiga.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa, si weyna u garab taaganahay walaalaha reer Jigjiga ee xilligan adag ku jira. Waxaan Allaah beddel khayr qaba iyo caafimaad degdeg ah u weydiinayaa ganacsatada ku hanti beeshay iyo shacabka ay waxyeelladu ka soo gaartay dabka ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Jigjiga” ayuu qoraalka ku yiri Farmaajo.

Dhanka kale wuxuu farriin culus u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay u gurmadaan walaalahooda reer Jigjiga.

“Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee caanka ku ah is caawinta iyo isu damqashada xilliyada adag waxaan ugu baaqayaa in ay si weyn ugu gurmadaan oo ay gacan walaalnimo u fidiyaan ganacsatada iyo shacabka ay waxyeellada hantiyeed iyo midda nafeed ka soo gaartey masiibadaas” ayuu warsaxaafadeedka ku yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Farmaajo ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay ee war kasoo saara dabka ka kacay Jigjiga, waxaana weli ka aamusan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa haatan soconaya gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay, ayadoo meelaha uu gurmadka ka socda ay ka mid tahay Somaliland, gaar ahaan Hargeysa.