Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed oo maanta hadal ka jeediyey munaasabad lagu daah-furay imtixaan loo galayo ku biiridda hey’adaha garsoorka dalka ayaa la dardaarmay dhalinyaradii imtixaanka u fariisatay.
Baashe ayaa sheegay in Garsoorku mid cadaalad ah noqon karo markii qofka cadaaladda laga rabo uu isagu caddaalad helo, isagoo ka balan qaaday dadkaan imtixaanka u fariistay inay cadaalad u sameyn doonaan.
Guddoomiye Baashi ayaa ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ay cadaaladu u leedahay shaqada hey’adaha garsoorka, isagoo tusaale u soo qaatay in guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Dabaan oo afar sano ka hor ka mid ahaa dad sidaan oo kale halkaan imtixaan looga qaaday.
“Qofka garsooraha ah si uu cadaalad ugu sameeyo dadka uu u adeegayo, waxaan ka shaqeynay in isagu uu cadaalad ku yimaado, dadka sharciga xirfada u leh si ay fursad u helaan, waxaan ku dadaalnay in loo tartamo boos kasta oo ka banaanaada bahda garooska,” ayuu yiri guddoomiye Baashe.
Guddoomiyaha ayaa dhalinyarada imtixaanka u fariisatay ka balan qaaday inay cadaalad heli doonaan, isagoo guul u rajeeyey, kuna dhiirigeliyey inay dadaalaan.
“Qofkii ku soo baxa imtixaankaan waxaan ka rajeynayaa sida aan ugu cadaalad sameyno inuu ugu cadaalad sameeyo dadka uu u adeegi doono,” ayuu yiri.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu amray in deg deg loo qaato dadkaan, markii ay ku wargeliyeen baahida uu garsoorku u qabo shaqaale cusub.
“Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in garsoorka iyo cadaaladda ay lamid yihiin jihaadka dalkaan looga xoreynayo Khawaarijta, marka dadka halkaan ka soo baxa ee imtixaanka ku guuleysta waxay qeyb ka noqon doonaan jihaadka loogu jiro xoreynta dalka, dafaaca sharafka iyo diinta umadda Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Baashe.
Hoos ka daawo