25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Daawo: Banaanbax ka dhan ah R/W Kheyre iyo xukunka Caydiid oo ka dhacay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho: (Caasimada Online) – Boqolaal dad ah ayaa maanta isugu soo baxay qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho kuwaas oo sitay sawirka Dable Axmed Cabdulahi Caydiid oo ay maxkamadda ciidanka qalabka sida ku xakuntay toogasho kadib markii ay ku cadaatay inuu dilay Wasiir Cabaas Siraaji.

Dadka isu soo baxay ayaa ku qeylinayay inuu xukunku u dhacay si aan cadaalad aheyn, dadka banaanbaxa dhigayay ayaa u badnaa haween iyo caruur.

Waxaa ay sheegeen in xukunka la siyaasadeeyay iyagoo ku qeylinayay dooni meyno cadaalad daro iyo xukun aargoosi ah, waxey sheegeen in la diiday iney wada hadlaan reerka wasiir Cabaas iyo beesha Dable Ceydiid.

Dibad baxayaasha ayaa madaxweynaha Somalia mudane Maxamed C/laahi Farmaajo u sheegay inuu il gaar ah ku fiiriyo bartilmaameed ay sheegeen inuu Ra’iisul wasaare Kheyre ku hayo beesha Habar Gidir.

Waxey ku qeylinayay in Dowladda cusub ay aad u bartilmaameed saneyso beelaha Hiraab, si gaar ah beesha Habar Gidir oo ay sheegeen inuu Kheyre cadaawad gaar ah u qabo.

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News