Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Waddada Maka Al-Muakarama ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana laga maqlay qaar ka mid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa kadib ayaa waxaa sidoo kale dhacay oo daba socday rasaas xooggan.

Qaraxa ayaa loo badinayaa inuu yahay mid loo adeegsaday gaari, waxa uuna ku beegan yahay wadada Makka Al-Mukarama. Wararka ayaa sheegaya inuu ku dhacay meel u dhow hotelka Ambassador iyo isbitaalka Daaru-Shifaa.

Weli ma caddaa in baabuurka qarxay uu ahaa mid meel la dhigay, kadibna la qarxiyey iyo inuu ahaa baabuur weerar lagu soo qaaday.

Warar horudhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasarae nafeed, waxaana illaa iyo hadda la xaqiijiyey dhimashada shan qof iyo dhaawac intaas ka badan.

La soco wixii dheeri ah wararkeena danbe Insha Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com