Sawiro: Gudoomiyaha gobalka Benaadir oo furay tartanka Kubadda Cagta dagmooyinka

Muqdisho (Caasimadda Online ): Ciyaaraha dagmooyinka gobalka Benaadir ayaa maanta si rasmi ah uga furmay garoonka Koonis ee magaaladda Muqdisho.

Tartanka oo si heer sare ah loo qaabeeyay ayaa lagu daah furay maharajaan iyo Music ,iyadoo ay garoonka soo buuxiyeen dadweyne aad u fara badan.

Duqa magaaladda Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa furay ciyaaraha galabta kuwaas oo sanadkii hore u baaqday arimihii doorashooyinka ee ka dhacay Somalia.

Taabit oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa iyo xubno u badan bahda ciyaaraha gobalka Benaadir ayaa isagoo ku labisan dharka sportiga waxaa uu laad qurxoon ku daah furay koobkan oo ah midka ugu xiisaha badan Muqdisho.

Qudbad kooban oo uu goobta ka jeediyay gudoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayuu ku sheegay inuu maamulkiisu ahmiyad gaar ah siin doono ciyaaraha iyo dhalinyaradda.

“Waxaan ognahay ahmiyadda ciyaaruhu u lee yihiin bulsho walba, waxaan maamul ahaan diirada saari doonaa inaan hormarino ciyaaraha iyo dhalinyarada taas waxaa ay naga dhigi doontaa bulsho guuleysata ayuu yiri gudoomiye Taabit.

Dagmooyinka Kaxdda iyo Boondheere ayaa lagu daah furay tartanka maanta waxaana ciyaartii furitaanka ay ku dhamaatay 0-0.

Tartanka dagmooyinka ayaa markii ugu horeysay lagu bixin doonaa abaalmarino lacageed sida uu sheegay gudoomiyaha gudiga ciyaaraha gobalka Benaadir Xasan Wiish.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com