Daawo: Barakac ka socda Baardheere iyo khasaaraha dhimashada oo sii kordhay

Baardheere (Caasimada Online) – Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa weli ka taagan degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii ay ku dhufteen daadad xoogan oo sababay burbur, dhimasho, dhaawac iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu sii kordhay khasaaraha dhimashada ee ka dhashay daadadkaasi, waxaana saacadihii lasoo dhaafay magaaladaas ku geeriyooday illaa lix qof oo saddex kamid ah ay ahaayeen isku qoys.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degmada Baardheere, gaar ahaan toga sameeyay fatahaadda.

“Dadka hadda dhintay waa 6 qof oo saddex kamid ah ay isku qoys yihiin iyo saddex kale oo carruur ah illaa iyo haddana dhibaatada way taagan tahay,” ayuu yiri qor kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhacdadaan ay tahay markii labaad, isla-markaana todobaadkii hore ay daadadka ku dhinteen illaa 9 qof, saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

“Waa markii labaad oo uu togan fataho oo dhibaato ay ka dhalato Isbuucii lasoo dhaafay oo qura 9 qof ayaa ku geeriyootay saddex qofna way ku dhaawacmeen,” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in weli uu barakac xoogan ka socdo degmada Baardheere, wuxuuna tilmaamay qoysaska barakacay lagu qiyaasayo illaa 2,800 oo qoys.

“Dadka ku barakacay fatahaadda uu geystay togan oo musiibada ahaa waxaa lagu qiyaasayaa illaa 2,800 oo qoys, waxaana weli socda burburka,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda federaalka, Jubbaland iyo hay’adaha samafalka, isaga oo ugu baaqay inay u gurmadaan dadka ku dhibaateysan Baardheere.