Xog: Qorshaha cusub ee IMAARAADKA oo gaadiid dagaal ka dejiyey Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maalin ka hor magaalada Kismaayo ka dejisay gadiid dagaal, gaar ahaan nooca loo yaqaano Cabdibilaha, gaadiidkaas ayaa muuqaalkiisa loo soo bandhigay warbaahinta.

Tirada gaadiidkaas waxaa la sheegay inay kor u dhaafayso boqol gaari, waxaana soo baxaya xogo la xariira qorshaha ay dowladda Imaaraadka Carabta ka damacsan tahay in intaas oo gaadiid ah ay ka dejiso Jubbaland.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, Imaaraadka Carabta waxay qorsheynayaan in saldhig ciidan ay ka furtaan Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland.

Gaadiidkaan waxay lagu furayaa saldhigga sida ay sheegeyso xogtaan, waxaana saldhigaas lagu tababari doonaa qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya oo ka amar qaada doona Imaaraadka.

Markii gaadiidkaas laga soo dejiyey Kismaayo TV-ga maamulka Jubbaland wuxuu baahiyey sawirrada Cabdibilayaasha, iyagoo sheegay in ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay Imaaraadku ugu deeqeen gaadiidkaas.

Hadii Kismaayo laga furo saldhigga militeri ee Imaaraadku qorsheynayo waxay tababari doonaan ciidan Soomaaliyeed oo daacad u ah, taas oo laga cabsi qabo inay Soomaaliya uga fushadaan danahooda gaarka ah ama mararka qaar ay cadaadis saaraan madaxda dowladda Soomaaliya, markii ay dantooda ka waayaan.

Dowladdaan uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saaxiib dhow ka dhigatay Imaaraadka oo dowladdii Farmaajo ay aad isaga fogeysay, waxayna hadda dowladaasi saameyn deg deg ah ku yeelatay tababarrada ciidamada Soomaaliya.

Dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidan ku biiraya xoogga dalka tababar ugu soo xiray Uganda ayaa aad ugu mahad celiyey dowladda Imaaraadka Carabta oo sida uu sheegay bixineysa tasiilaadka tababarka ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Uganda.

Imaaraadka Carabta waxaa lagu xusuustaa in sanadkii 2017-kii ay dalka ka cayrisay dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo, xiligaas waxay xero lagu tababarro ciidamada Soomaaliya ku lahaayeen gudaha Muqdisho, gaar ahaan xerada Jeneraal Gordan ee degmada Hodan.

Waxyaabihii uu madaxweyne Farmaajo uu diiday sii socoshada qorshihii Imaaraadka ee Soomaaliya waxaa ka mid ahaa in ciidankii Soomaaliyeed ay tababareen uu ayaga daacad u noqday, isla markaana ay ku dhiiradeen ama qorsheynayeen inay dano u gaar ah awooda ciidankaas ku fushadaan.