Daawo: Beel Muqdisho ka iclaamisay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha, xildhibaanada, wasiirrada iyo waxgaradka beesha Baadicadde ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay ku iclaamiyey dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka bilaaba doona gobolka Hiiraan.

Wasiirka Qorsheynta XFS Maxamuud Beenabeene ayaa shir guddoon ahaa kulankaas, waxaana laga soo saaray go’aan ah, in beeshu ay ku duusho dhulka ay Al-Shabaab ka heystaan, sida Jalalaqsi, Buurweyn iyo deegaano kale oo ka tirsan Hiiraan.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab waayihii u dambeeyey ay dhibaato badan u geysteen beeshiisa Baadicade, isagoo soo tiriyey dadkii ay ka waxyeeleeyeen beesha oo isagu uu ku jiro.

“Al-Shabaab dhibaato ayey horay u soo gaarsiiyeen beesheyda sida dadkii ay nooga laayeen qaraxii hotel Xayaat, Saraakiil, Odayaal iyo Masuuliyiin ay naga dileen, aniga qarax bay igu soo weerareen, maanta waxay beeshu go’aansatay inaan la dagaalano kooxdaas,” ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu oo baarlamaanka federaalka ka tirsan.

Xildhibaan Cabdisamad Waber Axmed oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sidoo kale warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Jimcada soo socota Jalalaqsi ayaan ku tukanayaa, Al-Shabaab deegaankeenna ma sii haysanayaan oo heshiis ma nihin, Soomaali oo dhan ayaa dil ugu xukuman in aan iska dhicino ayaana naga go’an.”

Hoos ka daawo