Sawirro: Shacabka Mudug oo nolosha ku qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Wisil (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay koonfur gobolka Mudug, halkaas oo maalmahaan uu ka socdo abaabulka duulaan ka dhan ah Al-Shabaab.

Ninka la qabtay waxaa lagu magacaabaa Cabdi Shidane Culusow, waxaana soo qabtay ciidan is abaabulay oo dadka deegaanka ah.

Cabdi Shidane ayaa Al-Shabaab ugu magacaaban madaxa isgaarsiinta deegaan laga xusay Qeycad iyo Camaara, halkaas oo Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku joogaan.

Ciidamo abaabulan oo dadka deegaanka ah, saldhigooduna yahay degaanka Bajeela ee koonfurta gobolka Mudug ayaa maan ninkaan ku soo qabtay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen.

Saraakiisha ciidanka daraawiishta Galmudug oo maanta lagu wareejiyay Cabdi Shidane ayaa warbaahinta u sheegay in ninkaan uu qirtay in xilal badan uu ka soo qabtay kooxda Al-Shabaab, isla markaanan uu hadda ahaa madaxda isgaarsiinta kooxda ee dhowr deegaan.

Sidoo kale wareysigii lala yeeshay sarkaalkaan Shabaab-ka ah wuxuu ku sheegay inuu ku dhashay oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheysa kacdoon culus oo dadka Soomaaliyeed uga imaanaya, kaas oo dowladda Soomaaliya ay si weyn u hurineyso, waxaana dhowrkii todobaad ee u dambeysay laga saaray deegaano badan oo Hiiraan, Galgaduud iyo Bay ka tirsan.