Al-Shabaab hub iyo gaadiid dagaal wata oo maanta isku soo dhiibay dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo wata gaari dagaal iyo hub ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Cabdi Muumin Cilmi oo ah sarkaal ka tirsan qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo wareysi siiyey Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyey ninkaas gaadiidka wata ee ka soo goostay Al-Shabaab inay hadda gacanta ku hayaan.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in ninka isku soo dhiibay uu xubin sare ka ahaa Al-Shabaab, isla markaana uu ka soo jeedo deegaanada ay ka socdaan howlagallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

Mar la weydiiyey sida ay ka yeelayaan ninkaan ka soo goostay Al-Shabaab ee isku soo dhiibay ayuu sheegay inay dowladda dhexe u gacan gelinayaan, si loo geeyo goobaha dhaqan celinta Al-Shabaab lagu soo hanuuniyo.

Degaanka Yasooman ayaa ka mid ah deegaanada Al-Shabaab sida weyn loogu laayey ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu dilay ku dhawaad 100 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo ugu dambeyntiina deegaankaas uu gacanta u soo galay ciidamada dowladda.

Hoos ka dhageyso wareysiga