Daawo: BEESHA iska leh kursiga HOP#086 ee FAHAD oo war culus soo saartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay maanta iskugu yimaadeen Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Odayaal Dhaqameedka Beesha Reer Aw Xasan ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed lagu difaacayo kursigooda tirsigiisu yahay HOP#086.

Beesha Reer Aw Xasan ayaa ugu horeyntii ka digtay siyaasadeynta lagu hayo kursigaas oo uu kusoo baxay Fahad Yaasiin, kaasi oo dhawaan garab kamid ah guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu shaaciyay in dib loogu noqonayo doorashadiisa.

“Kursiga HOP#086 waxa uu soo maray dhamaan habraacyadii lagu heshiiyay 17-kii September waxaana lagu soo doortay magaalada Beledweyne, ayada oo goobjoog ka ahaayeen guddiyada SEIT ee HirShabelle iyo FEIT iyo weliba guddiga xalinta khilaafaadka, waxaana kusoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay beesha.

Qoraalka ayaa si cad loogu sheegay in kursigaas ay doorteen ergada beesha leh oo garwadeen ka ahaa saxiixaha beesha ku metela dhaqanka oo asagu soo xulay ergadii dooratay.

“Waxaa taageereyna war-saxaafadeedkii kasoo baxay madaxweynaha HirShabelle oo ahaa in kursigaan lagu doortay si cadaalad ah, soona maray habraacyadii lagu heshiiyay. Mana jirin wax cabasho ah oo soo gaaray maamulka HirShabelle oo ka timid beesha leh kursigaan ama musharaxiintii ku tartamay.”

Waxay usoo jeediyeen guddiga FEIT inay ka daayan siyaasadeynta kursigaan iyo metelaada beesha, ayada oo war-saxaafadeedka taageero balaadhan loogu muujiyay xildhibaanka dooran ee Fahad Yaasiin.

“Waxaa Beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeed ogeysiineyna in xafiisyada u sareysa dalka ay siyaasadeynayaan kursigaan, taasi oo in badan guul-dareysatay ayada oo si toos ah loogu sheegay madaxdaas inay siyaasada ka dhaafan metelaada beesha,” ayaa lagu yiri ugu dambeyntiina qoraalka.

Hoos ka daawo muuqaalka