Wafdi gaaray Baydhaba iyo xogta walaaca Muqdisho ee dhaliyey safarkan + Sawirro

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhaba kusoo dhoweyey wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Wafdigaan ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doorto deegaanada Galmudug.

Sababta ay u tageen magaalada Baydhaba ayaa lagu sheegay inay tahay xal u helida khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan cabashada maamulka Koonfur Galbeed ee kuraasta laga xayiray.

Kuraasta uu xayiray guddiga doorashada oo afar ah ayaa saddex ka mid ah laga soo doortay Koonfur Galbeed, halka midka afaraad oo ah kan Fahad Yaasiin uu ka yimid dhanka HirShabeelle.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa shalay jeediyey hadal dad badan kiciyey kadib markii uu weerar qabyaaladeysan ku qaaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo beeshiisa isaga oo sheegay inuu isbaaro u dhiganayo.

“Anaga marka nama qasbi kartid mana aqbaleyno in wax aysan Soomaali qabin korka nagala saaro, Aniga oo 20 sano jiro Isbaaro qori lagu wado ayaa diiiday maanta aniga oo 50 sano jira oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ah oo 2022-ka la marayo walaahi aan aqbaleyn,” ayuu yiri Lafta-gareen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta ay hadalka Laftagareen u arkeen inuu xiisad qabyaaladeed iyo naceyb ka dhex abuuri karo beelaha Koonfur Galbeed iyo kuwa Muqdisho. 

Waxaa arrintan xalay ka hadlay Guddoomiyaha Midowga Musharaxinta Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay Rooble inuu xaliyo tabashada Reer Koonfur Galbeed. 

Waa taas sababta keentay socdaalkan si Lafta-gareen loo qanciyo, waxaana dhanka kale socda cadaadis lagu saarayo Rooble inuu guddiga doorashada ku amro inay fasaxaan kuraasta Koonfur Galbeed.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta qaarkood ayaa ka cabsi qaba in haddii aan la qancin Reer Koonfur Galbeed ay keeni karto cuqdad dhalisa in codadkooda ay wada siiyaan madaxweyne Farmaajo oo markii horeba la filayey in inta badan ay u codeeyaan.