Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku caddeeyey mowqifkooda ku aadan go’aankii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu dalka uga eryey wakiilkii gaarka ahaa ee Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu soo dhoweynayaa go’aanka ka soo baxay xafiiska Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo looga dalbay in uu dalka muddo 48 saac ah uga baxo Danjire Francisco Madeira oo ahaa ergayga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa hawlgalka ciidanka AMISOM.  

Goluhu wuxuu rumaysan yahay in go’aanka Raysalwasaaraha uu ahaa mid loo baahnaa, si ka fiirsi lehna looga baaraan degay, si loo xaqiijiyo madaxbannaanida dalka iyo in aan la aqbalin xagal daacinta hawlaha nabadaynta ama hurinta khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalida dhexdeeda ah. 

Goluhu wuxuu marar badan ka dalbaday Danjire Madeira in uu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha Soomaaliya, iyadoo horay dacwad qoraal oo ka dhan ah u gudbiyey Midowga Afrika gaar ahaan Golaha Nabadgelyada iyo Amniga ( Peace and Security Council) oo dalka booqasho ku yimid.

Goluhu wuxuu amaan ballaaran u jeedinaayaa ururka Midowga Afrika dadaallada ay ka wadaan Soomaaliya, wuxuuna ku boorrinayaa in ay soo magacaaban ergay xoojiya xiriirka Soomaaliya, hufnaan iyo sumcad leh, dhexdhexaad ka noqda khilaafaadka siyaasadda, taageerana geedisocodka nabadda Soomaaliya. 

Goluhu wuxuu ku baaqayaa dardar gelinta jadwalka doorashooyinka, iyo dhaarinta xildhibaannada cusub ee loo ballansan yahay bisha April 14, 2022, wuxuuna rajaynayaa in doorashadu ku dhacdo mudadii loogu talo galay si nabdoon. – 

Dhammaad