Daawo: Beesha Reer Aw-Xasan oo shaacisay in gabar laga afduubtay loona dilay kiiska Ikraan Tahliil dartiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Khaalid Muxumed Gaabane oo kamid ah Aqoonyahanka beesha Reer Aw-Xasan ayaa si adag uga hadlay afduubka aargudashada ah ee ka billowday magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Khaalid ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in gabadh ay qaraabo yihiin loo afduubtay kiiska Ikraan Tahliil, islamarkaana loo gacan geliyay kooxda Al-Shabaab, ayna dileen, sida uu sheegay.

“Bulshada Soomaaliyeed waxaa laga yaaba inay ogyihiin un wiilasha la afduubtay oo media-ha laga soo daayey laakiin labo asbuuc ka hor waxaa ka horeysay gabadh qaraabada ah oo la yiraahdo Anfac Sheekh Xuseen in laga afduubay magaalada Beledweyne oo loo gacan geliyay Al-Shabaab, looguna sheegay inay tahay askariyad ka tirsan ciidamada HirShabelle,” ayuu yiri.

“Waxaa eedaas iyo tuhunkaas qabnaa inay ka dambeeyan kuwa hadda afduubteen oo shar-wadayaasha ah markay ku filnaan weysay in gabadhaas si dulmi ah ugu geeyaan Al-Shabaab, waxaan rabnaa in bulsho weynta Soomaaliyeed la socodsiino sida reerka iyo qoyska Ikraan dhibanayaal u yihiin, anagana waxaa nahay dhibanayaal oo lagu haysto wax aysan galabsan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan ka fal-celin doonin falalka afduubka ah ee ay qaadeen maleeshiyada qaraabada la’ah Ikraan Tahliil, islamarkaana ay diyaar u aheyn inay qeyb ka noqdaan colaad loo yeerinayo, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay cadaalad rabaan, sida qoyska Ikraan Tahliil u rabaan, maadama uu ku doodayo in gabadh la qaraabo ah la dilay, kadib markii ay maleeshiyada qaraabada dhow yihiin Ikraan u gacan geliyeen Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay kooxda hubeysan ee afduubka ka geysatay magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan dadka u afduuban, haddii aan si dhab ah loo gelin arrinta Ikraan Tahliil.

Kooxdaan oo qaraabo la’ah Ikraan Tahliil ayaa sheegay in ilaa afar qof oo rag ah u heystaan kiiska Ikraan, kuwaas oo dhamaantood ku heyb ah taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo kasoo jeeda beesha Reer Aw-Xasan.

Xiisada kiiska Ikraan ayaa mareysa meel xasaasi ah, waxaana weli magaalada Muqdisho ka socda kulamo xal loogu raadinayo xiisada culus ee ka dhalatay kiiskaas oo ay hay’adda NISA sheegtay in Al-Shabaab ay dileen, balse ay kooxda iska fogeysay arrintaas.

Hoos ka daawo Khaalid