Sawirro: Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, ballan-qaad culusna siiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, oo dhawaan ay hay’adda NISA shaacisay geerideeda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ku wehlinayey Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan, wuxuuna ra’iisul wasaaraha la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadhooda.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Rooble ayaa qoyska iyo ehelada Ikraan ka dalbaday in in si deg-deg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afduubtay.

Tan iyo markii ay hay’adda NISA sheegtay inay geeriyootay Ikraan, kuna baxday gacanta Al-Shabaab, ayaa waxaa isa-soo tarayay afduub aargudasho ah oo ay sameynayeen maleeshiyaad qaraabo la’ah Ikraan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hore u sheegay in markii ay u soo dhameystiranto xogta uu u baahanahay uu ka qaadan doono go’aanka ku haboon kiiskaas, islamarkaana uu la wadaagi doono dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan qirsanahay in sida aan habooneyn ee loo mareeyey kiiska Ikraan ay taabatay dareenka dhacabka Soomaaliyeed oo ay abuurtay caro dhalisay in la afduubto mawaadiniin aan waxba galabsan,” ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa si dhow ula socday sida uu shalay sheegay mudadii labada bilood aheyd ee arrintaan ay taagneyd, waxaa la filayaa in uu go’aan adag ka gaari doono natiijada kiiskaas, taasi oo lagu wado inay galaafan doonto hogaanka sare ee NISA.