Sababta ay ciidanka Itoobiya uga baxayaan saldhigyo ay ku leeyihiin GEDO iyo BAAY

Buurdhuubo (Caasimada Online) – War kasoo baxay Taliska AMISOM qeybta Saddexaad ee ka socda Ciidanka Itoobiya ayaa lagu sheegay in dhawaan ay ciidamadooda ka tirsan AMISOM ka bixi doonaan saldhigyada ay kaga sugan yihiin degmooyinka Buurdhuubo oo ka tirsan Gobolka Gedo iyo Qansaxdheere oo ka tirsan Gobolka Baay.

Qoraal loo diray Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad, Wasaaradda Gaashaandhigga, Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu wargeliyay saldhiggyada ay ciidanka ka socda Itoobiya ka baxayaan ee Sector 3.

Qoraalka AMISOM ayaa waxaa sidoo kale ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed loogu wargeliyay inay la wareegaan saldhigyada ciidanka ay ka baxayaan ee Buurdhuubo iyo Qansax Dheere ka hor 21 Bishan September.

Saldhigyada ay ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM baneeynayaan ayaa waxaa ay muhiim u yihiin maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubaland, waxaana la filayaa inay saldhigyadaas oo ku kala yaalla Buurdhuubo iho Qansaxdheere ay la wareegaan ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka ka Itoobiya ee ka baxaya magaaladda Buurdhuubo ayaa la gaynayaa magaaladda Garbahaaray, oo ka mid ah goobaha ay ka dhacayaan doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka loo diray AMISOM