Xarumo shidaal oo ku yaalla Sacuudiga oo lagu weeraray gantaallo iyo diyaarado

Dammam (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga ayaa sheegtay inay dhexda ka qabatay gantaal ballistic ah, iyo diyaarado drone oo kooxda Xuutiyiinta ay kusoo weerareen gobolka shidalaka qaniga ah ee ku yaalla bariga dalkaas.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in laba caruur ah ay ku dhaawacmeen firir ka dhashay burburka gantaalka.

Kooxda Xuutiyiinta oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa sheegtay inay gantaal iyo sideed diyaarad oo drone ah ku beegsatay xarumaha shidaalka Ras Tanura ee shirkadda shidaalka Saudi Aramco ay ku leedahay magaalada Dammam.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale weerar ku qaaday xarumo kale oo shirkadda Aramco ay ku leedahay gobollada Koonfureed ee Jizan iyo Najran, sida uu sheegay Yaha Sarea, oo ah afhayeen u hadlay kooxdan.

Shirkadda Saudi Aramco weli jawaab kama bixin weerarada. Il-wareed xog-ogaal u ah dhacdadan ayaa sheegay inaysan waxyeelo gaarin qalabka shirkadda, islamarkaana weerarka uu ka dhacay banaanka xarumaha.

Gantaal ayaa laga qabtay hawada duleedka magaalada Dammam, ayada oo firiro ka dhashay burburinta gantaalka ay ku dhaawacmeen laba caruur, islamarkaana waxyeello kooban ay gaarsiiyeen 14 guri, sida ay sheegtay Wasaaradda gaashaandhigga.

Gobolka Bari, oo hoy u ah xarumo shidaal oo muhiim ah, ayaa waxaa horey loola beegsaday weeraro, waxaana ku jiray mid September 2019 lagu qaaday laba xarun oo ay leedahay Saudi Aramco, kaasi oo kala bar hakiyey wax soo saarkii shirkadda.

REUTERS + VOA