Guddoomiye Cabdi XAASHI iyo Mahdi Guuleed oo afar qodob ku heshiiyey (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kala hoggaaminayey labada garab ee isku hayey maamulka doorashada ee kuraasta gobollada waqooyi ayaa maanta heshiis rasmi ah oo ka kooban 4 qodob ku gaaray magaalada Muqdisho.

Heshiiskan ayaa waxaa door muhiim ah ka qaatay guddoomiyaha maxkamadda sare, Mudane Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo isaguna kasoo jeeda deegaanada Somaliland.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa ku heshiiyey in la soo afjaro khilaafkii muddada ka taagnaa kuraasta gobollada waqooyi, waxaana guddoomiyaha guddiga la siiyey garabka Mahdi Guuleed, halka guddoomiye ku xigeenka iyo madaxa amniga la siiyey garabka Cabdi Xaashi.

Sidoo kale qodobada lagu heshiiyey ayaa waxa ay kala yihiin:-

1-In lasoo afjaro khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka kuraasta labada aqal ee ka soo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland).

2-In la mideeyo guddoonka iyo xubnaha guddiga maamulka doorashada heer Somaliland (GMDHSL), iyada oo garabka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ay qaadanayaan guddoomiye ku xigeenka guddiga iyo madaxa amniga iyo logistikada.

3-In lasoo afjaro iskooxaysigii iyo abaabulkii u dhexeeyey siyaasiyiinta gobollada waqooyi (Somaliland), loona midoobo hirgelinta doorasho hufan oo aan daahitaan laheyn.

4-In si sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda-galo hirgelinta doorashooyinka kuraasta labada aqal ee xildhibaanada kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland).

Heshiiskan cusub ee ay wada gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa meesha ka saaraya is jiid jiidkii u dhexeeyey labada garab, waxaana la filayaa in si deg deg ah loo guda-galo doorashada kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka imaanaya Somaliland.