Aqriso: Su’aalo horleh oo ka dhashay go’aanka Rooble ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA Mudane Ismaaciil Daahir Cusmaan oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka fal-celiyey go’aankii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ku aadanaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo amarka uu dul dhigay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed.

Ugu horeyn Ismaaciil Daahir ayaa shaaca ka qaaday inay la-yaab ku noqotay in ra’iisul wasaaraha uu markale dib u weydiiyo xog kale hay’adda NISA oo iyada looga shakisan-yahay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, sidoo kalena horey u sheegtay inay dileen Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sidoo kale soo bandhigay su’aalo horleh oo ka dhashay hadalkii ra’iisul wasaaraha, una baahan in laga jawaabo, kuwaas oo kala ah:-

1-Xogta galka baarista ah ee ay sii deysay NISA, kuna sheegtay in Shabaab ay dishay Ikraan ma lala wadaagay ra’iisul wasaaraha, ka hor inta aysan soo saarin?

2-Waxaa lagu soo daabacay bogga ay leeyihiin telefishinka qaranka iyo raadiyaha wasiirka warfaafinta ma ka war-geliyey ra’iisul wasaare Rooble in xogtaas ay heleen?

Ismaaciil Daahir ayaa xusay in loo baahan-yahay in su’aalahan iyo kuwa kale  loo helo jawaabo sax ah, isagoo intaasi ku daray in Rooble uu ka hordhay, sida uu hadalka u dhigay

“Marka su’aallo badan waxaad moodaa in uusan jawaab u heynin, waxna uusan kala soconin in uu ka hor dhacay,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu si adag kaga hadlay kiiska Ikraan Tahliil, wuxuuna NISA u qabtay 48 saac, si ay jawaab cad uga bixiso dilka la sheegay inay Ikraan u geysteen xoogaga Shabaab, walow ay iska fogeeyeen.