Puntland oo caro xoogan ka muujisay in Farmaajo uu ku dhowaaqi waayey magaca…

Garowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka carootay in madaxweyne Farmaajo uu afkiisa ka dhowrto gobolka ay ula baxday Heylaan oo laga jaray gobolka Sanaag, kaas oo cayaartooy ka socota uu shalay Farmaajo ku qaabilay Villa Somalia.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyey carada ay Puntland ka qaaday in madaxweynuhu uusan soo hadal qaadin magaca gobolkaas, intii uu la hadlaayey dhalinyarada cayaartooyada ah ee madaxtooyada uu ku qaabilay.

Jaamac Dabaraani ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay inay jirto koox caadeysatay inay siyaasadeyso gobollada Puntland.

“Magaca Gobolka Koobka Puntland qaaday waa Haylaan oo ka tirsan Gobollada Puntland, xaruntiisuna waa Dhahar, Ninkii aan afkiisa soo marin Karin muxuu ka maamuusi! Hore ayaan u sheegay in kooxda caadeysatay in Puntland goboladeeda ay siyaasadeyso aysan waxba ka heleyn kuna helayn!,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.

Gobolkaan ay Heylaan ugu magac-dartay Puntland oo aan ku jirin 18-kii gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa laga jaray gobolka Sanaag, waxuuna xulka u cayaara kubada cagta sanadkaan qaaday koobka cayaaraha kubadda cagta ee gobollada Puntland.

Taasi waxay kaliftay in Muqdisho looga yeero xulka, si ay maalmaha soo socda ula cayaaraan koox kale, waxaana madaxtooyada Qaranka ku casuumay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, balse Puntland waxay ka carootay in afkiisa uu ka dhortay magaca gobolka ay ka socdeen kooxda uu casuumay.