NAADIGA calooshood u-shaqeystayaasha Soomaaliya

Areyga “Caloshiis u shqeyste” (Mercenary, Murtaziq) waxaa inta badan loo isticmaalaa qof xirfadle milltary ah oo la kireysto oo hadafkisu yahay inuu lacag helo, diyaarna u ah inuu u dhinto ama u dhaawacmo lacagtaas.

Qofkaasi dan kama laha qaddiyadda uu u dagaallammaayo ama cidda uu howsha u fulinaayo. Kaliya waa qof lacag doon ah oo aan cidna daacad u ahayn naftiisa mooyee. 

Qofkaasi muraad kama laha dal, dad, diin, qabiil, waalid ama walaal, iyo wax kasta oo uu qofka caadiga ahi uu ilaashado. Isaga waxaa u dan ah calooshiisa kaliya. 

Laakiin dadka sidaan u shaqeysta kuma koobna xirfadlayaasha millatari ee waxay ku jiraan sidoo kale bulshada qeybeheeda kala duwan. Waxaa jira siyaasi calooshiis u shaqeyste ah, wadaad, oday dhaqameed, suxufi, taqtar, ganacsade, IKK, oo kulligood calooshood u shaqeystayaal ah, oo aan dan kale laheyn meeshii loo dirana shaqo ka soo qabta, kistoodana qaata. Waxaana caadi iska ah iney u adeegaan saaxiibkooda iyo cadowgooda labadaba waa haddiiba ay cadow ama saaxiib leeyihiine. 

Bulshadeenna waxaa ka buuxa rag iyo dumar badan oo calooshood u-shaqeystayaal ah, laakiin marka aan qiimeyneyno aan ku ajarn nahay shaatiga ay gashan yihiin, iyo magaca ay wataan, ama ha ahaado mid siyaasadeed ama mid qabiil ama mid diineed ama mid aqooneed intaba.

Nasiib darro dadkaan qaarkood waxay hayaan ama u han weyn yihiin iney xilal sare ka qabtaan maamulka dowladnimo qeybihiisa kala duwan, iyo xataa hogaanka bulshada.

Maalmahaan oo doorasho aan ku dhex jirno, waxaa masraxa ka soo buuxsamaya dad badan oo calooshood u-shaqeystayaal ah. Tan waxay saadaal u tahay waxa ay dhali doonto doorashadaas. 

Waxaa suuro gal ah in calooshood u shaqeystayaashu ay aqlbiyad ka noqdaan maamulka mustaqbalka, taasna ay ka dhalato inaan yeelanno dowlad Caloosheed U-shaqeysato ah, aan dan iyo heello ka laheyn dadka, dalka, iyo diinta iyo tolka intaba. 

Adigoo aan xanaaqin waxaad is weydiisaa; meeqo calooshiis u shaqeyste ayaad taqaannaa oo aad la macaamishaa adiga oo waliba aad ku faraxsan tahay iney kugu matalaan dhaqanka, diinta, iyo dowladnimda intaba, lagana yaabo inaad dartood u xanaaqdo ama u raalliyowdo, iyaguna ayasanba kuu ogeyn intaas oo ad u raran tahay. 

Ka bacdina Adiga laftaadu is miisaan inta aadan dadka kale miisaamin! Ha ku biirin NAADIGA CALOOSHOOD U-SHAQYSTAYAASHA.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid