Wareysi: Maleeshiyada ku beesha ah Ikraan Tahliil ee gaysanaya afduubyada oo hanjabaad culus soo saaray

Beledweyne (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay koox hubeysan oo afduub ka geysatay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan dadka u afduuban, haddii aan si dhab ah loo gelin arrinta Ikraan Tahliil. 

Kooxdaan oo qaraabo la ah Ikraan Tahliil ayaa sheegay in ilaa afar qof oo rag ah u heystaan kiiska Ikraan, kuwaas oo dhamaantood ku heyb ah taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo kasoo jeeda beesha Reer Aw-Xasan. 

“Haddii aan 48 saac gudahood jawaab cad heli weyno, waxaa ragaan marsiin doonaa wadadii ay martay Ikraan Tahliil,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay kooxdaan, oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamuud Cabdulle. 

“Dadkaan kaliya kuma sinaan doonto xaalada ee waxaan beegsan doonaa dadka ay ka dhasheen Kulane Jiis iyo Farmaajo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdiweli oo u hadlay kooxda afduubka ka wada Beladweyne, islamarkaana ka careysan dilkii iyo afduubkii Ikraan Tahliil. 

Mar la weydiiyay in ay wax ku qaadanayaan baaqyada loo jeedinayo iyo dadaalada socda ayuu Cabdiweli sheegay in aysan aqbali doonin wax aan ka aheyn in waddo caddaalad ah la marsiiyo kiiska Ikraan Tahliil, iyagoo sidoo kale weeraray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ilaa hadda kiiskaan ka aamusan. 

Weli waxaa magaalada Muqdisho ka socdo kulamo xal loogu raadinayo xiisada culus ee ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil oo ay NISA sheegtay in Al-Shabaab ay dileen, balse ay Al-Shabaab iska fogeeyeen.

Hoos ka dhageyso wareysiga