Howlaha garoonka AADAN CADDE oo halis ugu jira inay istaagaan, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Muran soo kala dhex galay maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International ee magaalada Muqdisho iyo wasiirka warfaafinta, boostada iyo is-gaarsiinta Somalia, ayaa halis gelinaya howlihii shaqo ee garoonka.

Arrintan ayaa la xiriirtay amar uu wasiirka soo saaray oo maamulka garoonka uu diiday, taasi oo la xiriirta in kaar aqoonsi ay yeeshaan shaqaalaha.

Wasiirka warfaafinta Somalia C/llaahi Ciil Mooge ayaa Warqad kasoo baxday xafiiskiisa waxaa lagu amray dhamaan shaqaalaha garoonka Muqdisho in ay qataan ID Card-yada ay bixineyso shirkada Favori ee dhawaan la wareegtay maamulka garoonka.

Ciil Mooge, ayaa amar ku siiyey ciidanka amniga ee garoonka in aysan gudaha garoonka u ogolaan inay galaan shaqaale aan ID-gaas wadanin.

Hasa yeshee arrintaas ayaa waxaa kaso horjeestay maamulka garoonka Muqdisho oo iyana warqad qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in amarka wasiirka uu yahay mid aan suurta galaynin.

Maamulka, ayaa sheegay in Wasiirka warfaafinta uu qaadayo masuuliyada haddii ay joogsato shaqada garoonka Aadan Cadde, maadama uu ciidanka aminga amar ku siiyey inaysan garoonka galin shaqaale aan wadan aqoonsi.

Arrintan oo u muuqata mid wax ku ool ah, islamarkaana ka hortagi karta falal amni darro, ayaan la ogeyn sababta ay ku diideen maamulka garoonka.

Waxaa hadda la isku dayayaa in la isku dhoweeyo labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com