Xog: Wasiiradda iyo xildhibaanada oo laga qaaday Baasaboorka Diblomasiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), ayaa soo saartay Amar lagu mamnuucayo in Baasaboorka Diblomaasiga ah looga safro dalka, laguna soo galo.

Warqad uu soo saaray Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya C/laahi Goodax Barre, ayaa la dhigay Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee Magaalada Muqdisho, taasi oo sheegaysa in Shaqaalaha DFS aysan ku safri Karin Passport-ka Diplomaasiga.

Illo Xog Ogaal ah ayaa xaqiijiyay  in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka laga qaaday Baasaboorada Diblomaasiga ah, xilli ay kasoo degeen Garoonka Diyaaradaha, waxaana la wareegtay Dowladda.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii uu RW C/wali Sheekh Axmed uu sheegay Bishii lasoo dhaafay in Wasiiradda Xukuumadiisa laga qaadayo Baasaboorada Diblomaasiga ah, si loo yareeyo “Safaradda badan ee Dibadda ah, oo Shaqada Gudaha Xooga loo saaro”.

Xubnaha ku jira Xukuumadda Cusub ayaa ah badkooda kuwa ka yimid dalalka Caalamka oo wata Baasabooro aan kii Soomaaliya ahayn, waxaana lagu wargeliyay in laga qaadi doono, oo aysan Safar micno la’aan ah u aadi doono Dibadda.

Isha: KON