XOG: Muqdisho oo uu ku xiran yahay taliyihii ciidamada Milatariga ee….!

Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay markii ugu horreysay in magaalada Muqdisho uu ku xiran dhowr cisho taliyaha ciidamada millitariga gobalka Hiiraan, Tawane Axmed Gurrey.

Taliyaha ayaa loo heestaa dil loo geestay sarkaal ciidanka xoogga ka tirsanaa oo dhawaan lagu dilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Taliyaha ayaa inta aan la xirin waxaaa looga yeeray magaalada Muqdisho, dabadeedna markii uu yimid xabsiga ayaa loo dhaadhiciyay sidda ay noo sheegeen Ilaha aan warkan ka soo xiganay.

Taliye Tawane ayaa loo heestaa dilka Col Xaashi Xuseen, kaasoo ku dhintay is rasaaseen dhex martay ciidamado uu watay iyo kuwa la socday Korneelka geeriyooday.

Ilaa hadda saraakiisha dowladda kama hadlin xarigga loo geestay taliyaha ciidamada millitariga gobalka Hiiraan oo muddo 20-cisho ku xiran magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com